logo
logo
logo
logo
logo

Saturday, May 25th

Maah maaho ku saabsan kalmada jacaylka

E-mail Print PDF

Inkastoo erayga Jacaly inbadan laga hadlay guud ahaana  lagu tilmaamo cudur ku dhaca ama ku habsada qofka waxa jecel. kaas oo leh hal daawo kaliya daawaasina ay tahay qofka wax jeceli waxa uu jecel yahay oo uu helo ama uu ku guulaysto, hadana waxa jira maah maaho badan oo afka soomaaliga ku jira oo ka hada ama sharaxaad ka bixiya xalaadaha iyo sifooyinka kala duwan ee Jacaylku maro.  Halkana waxan kusoo gudbin doonaa 27 Maah maahood oo ka hadlaya arimaha khuseeya Jacaylka iyo axwaashiisa kala duwan.

1. Beer oo dhan tabcasho kuma wanagsana,dadka oo dhanna jaceyl kuma wanaagana.

2. Calafku waa sida midhaha geedka saaran oo ma dooran karo halka uu dhulka kaga dhacayo.

3. Faqrigu marka uu albaabka ka soo galo jaceylkuna daaqada ayuu ka baxaa.

4. Gacal isma cidhiidhyo.

5. Haween ilaahow yaaneyn na jeclaan nalagama karee,oo yaaney na nicin nalaguma karee.

6. Hawo guur iyo hami jaceyl nabad baa leh.

7. In wax la jeclaadaa waa in nafta dhib lagaliyaa.

8. In wax la jeclaado ayaa ka fudud in qof ku jacel la ogolaado.

9. Indho is jacel isma eegi karaan.

10. Is arag aqoon kama horeyso,wax isa siina kalgaceyl kama horeeyo.

11. Jaceyl aan dhun kasho laheyn wa sida shah aan sonkor laheyn.

12. Sirta farxada nolosha waa in waxa la jeclaado.

13. Jaceyl aan hanti laheyn hawada ayuu guursadaa.

14. Jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin.

15. Jaceyl maqeybsamo.

16. Jaceyl odhaahmaahee waa ficil.

17. Jaceyl wiil lagu madhalo.

18. Jaceylka dhabtii ma duugoobo mana daxaleysto.

19. Qufac iyo jaceyl midna lama  qarsan karo.

20. Jaceylku waa cudur qofka la jacelyahayna waa daawo.

21. Jaceyka waa hadba aragtida qofka.

22. Jaceylku waa in dho la’yahay.

23. Jaceylku waa qayb qayb caadaab ah.

24. Hooyo la jacelyahay ilmaheeda lama tumo.

25. Ninka wax jacel waa in dho la’yahay nagta waxa jacelse hal il bey la’dahay.

26. Qalbigu labo ruux mawado qaado.

27. Qof aad nacebtahay qof aad jaceshahay ayuu ku dhaafiyaa

Source: Haatuf

Comments 

 
#3 maxamed maxamuud 2013-05-06 21:36
qufac iyo jacayl lama qarin karo
Quote
 
 
#2 Ilyas jamac 2013-04-25 08:46
. idhihii wax jecel baa ilmeeya
Quote
 
 
#1 ayaanle maxmamuud 2012-03-07 09:36
28. idhihii wax jecel baa ilmeeya
Quote
 

Add comment

Aragtida akhristayaashu waxay gaar u tahay qofka qoray, kamana tarjumayso siyaasadda tifaftir ee shabakadda Tacliinta Somaliland.


Security code
Refresh