UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

Aduunyadu wareer, werwer iyo dhibaatiyo Alla WAAYO badanaa !

Aduunyoy laba bogleysoy,Hadhka labadiisa gelin...!!
Waxaan ahaa sidan:


Hirar barwaaqo'a ama hogob caleen badan ama keymo hawroo inta uu hillaac maray,hohbtiyo madheedhkii hodantahay cambuushii oon weli hayaan degin.


Balse hadda Waxaan ahay marwo 27 jir ah, (11)sanno ka hor ayaan ka guuray nolol kelinimo ah oo aan u guuray nolol lamaane ah(waan guursaday),Allena ima siin wax ubbada,inkastoo dhakhaatiirtu sugtay oo xaqiijiyeen in aanay jirin wax sabab ah oo keentay inaanan ubbad dhalin,balse waa doonitaaan iyo xukun alle.

Rajada ayaa ii heeseeysay inaan mar uun dhaayaha saaro ubbad aan hooyo idhaahdo,markasta oo aan tukanaayona waxaan u dan sheegan jiray Alle,inkastoo aanu ninkeygu marna iga maqal anoo ka hadlaaya ubbad.

Waan jeclaa ninkeyga,waanan u boholyoobi jiray inta uu giriga ka maqanyahay afkuna wuxuu iga booby jiray:baadi doonka awgaa boholyowga caashaqa anigoon bukaan qabin boqol jeer habeenkii inta aan baraarugay sow bilicda daymada eegmada kumaan badan.

Marka uu guriga joogana waxaan dareemi jiray yididiilo iyo farxad aanan erayo ku tilmaami Karin,isna dhankiisa wuxuu ii sheegi jiray inuu I jecelyahay,uuna I jeclaan doona inta midkaayo carada hoos maraayo,wuxuuna igu maaweelin jiray erayo aan ku lab qabawsado:-walaaley macaaney iftiinkii aduunkay,aayihii nafteydaay,nuurka indhaha iyo caqligoo aan waayiyo dhegahoo i awdmiyo ifka intaan ku noolahay asaan iilka lay dhigin ku iloobi maayee walaalnimada adkeeyoo ha iloobin weligaa,yay noqon qaasaariyo qoomamo iyo ciil iyo qolof geed ku taaliyo qabri dumay sidiisii,…..anna waxaan ugu jawaabi jiray :- walaalow macaanow axdi waxaan ku marayaa intaan iilka lay dhigin ifka aan ku noolahay ku iloobi maayee axdiga iyo gaclada labadaba adkeeyoo ha illoobin weligaa…..

Alle ayaa doonay inaan bugoodo oo aan dareenkii maqalka waayo,(dhego-beelo) dhakhaatiirtuna waxay kari waayeen inay i daaweeyaan,waxaanan dareemay in dhamaadkii nolosha aan la wadaagaayey ninkeygu soo dhowaatay,tiina waa dhacday (3) bilood ka dib ayuu igu yidhi ma doonaayo inaynu saqaf ku wada hoos noolaano maanta wixii ka danbeeya,kelmadaasi waxay igu noqotay shoog iyo qaadan waa..aaaah,ruux bukaanka kugu nacay adoo baahan kaa tegay samo kuma banaanee……waan ooyay ilaa dhabanadeyda iliilado ka jeexmeen,waxaan isku deyey inaan u caqli celiyo,balse nin ay meeli u cadahay meeli ka madow,wuu igu gacanseydhyey wuuna ka baxay gurigii,wuxuuna ka maqnaa muda wiig ah…..waxaan ka baqan jiray kelinimada aan ku noolahay gaar ahaan habeenkii,markii uu soo noqday ayaan ku idhi " hadii aad dooneyso inaad ila guursato waan ogolahay ee ila guurso,balse wuxuu igu yidh "waxaan doonayaa inaan keligay iska noolaado,wuxuu is bedelay ilaa uu gaadhay heer uu wejigisa daboole si aanu ii arkin,gogoshana uu iiga tago,mararka qaarna gacanta ayuu ii qaadi jiray….muhiimadu waxay tahay furniinkii wuu dhacay oo wuu i furay wuxuuna igu ahaa arrin aniga igu culus…dhibta I haystaana waxay tahay ma iloobi karaayo….mana garanaayo waxaan sameeyo…..maqalkii waan waayey,waa lay furay,ma shaqeeyo si aan u noolaado,maxaan sameeyaa!!!!!!

Hadaba akhriste sheekadani waa mid waaqic ah oo naax-naaxinikuma jirto…waxaynu ka arkeynaa in qoyskan bur-buray ay sabab u ahad xukuno alle oo lagu qanci waayey,caruurtu waa risiq alle uu siiyo cidda uu doono cidda uu doonona u diido,mana aha wax aynu innagu gacmaha ku haysano….waa jecel nahay ubbad waayo waa ubixii nolosha balse ma aha inaynu indhaha ka lalino qadarka alle….guntii iyo gunaanadkii waxaan idinkaga tegayaa"aduunyoy laba bogleysoy,aduunyoy waayo badaney,hadhkaa labadiisa gelinay"


Axmed Maxamed Muuse(caalim)
caalim44@hotmail.com

Hargeisa

 

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network