UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

SHIR SANADEEDKII ARDAYDA REER SOMALILAND EE MALAYSIA OO QABSOOMAY IYO GUDI CUSUB OO LA DOORTAY

 

W axaa Habeenimadii taariikhdu ahayd 27 Jan 2007 lagu qabtay jaamacada Islaamka ee wadanka Malaysia shir sanadeedkii caadiga ahaa ee Ardayda Somaliland ee Wadanka Malaysia wax ka barata. shirkankan oo ay socotay qaban qaabadiisu tan iyo bishii lasoo dhaafay ayaa ugu dambaytii la isugu keenay arday ka badan 120 arday.

Aayado Quraan ah kadib waxa codbaahiyaha lagusoo dhaweeyay SH XASAN AHMED YUSUF oo ah ayoonyahada reer Somaliland ee sida wayn looga qadariyo wadanka Malaysia.

Sheekha ayaa wacdi diini ah iyo waanaba madasha kasoo jeediyay, waxaanu siwayn ugu dheeraaday dhaliilaha kajira gudaha ardayda reer Somaliland ee Qurbaha wax barata gaar ahaanba ardayda wax kabarta wadanka Malaysia. hadaladaa sheekha oo siwayn u taabtay ardaydii kasoo qayb gashay xaflada ayaa hadaladdiisii waxa kamid ahaa "Umad horumarkeeda waxa laga eegaa dhalinyartooda, hadii aad u fiirsato dhalinteenana waxaynu nahay umad aan aqoonta ku dhaqmin, kala dambaynta iyo is ixtiraamkana kuliidata, hadii ay umadi cagaha kusocoto waxaynu nahay kuwa madaxa kusocda, waxaynu maraynaa in wanaagiina xumaan inoogu ekaado, xumaantiina wagaan inoogu muuqato."

Shiikha kadib waxa iyaguna madasha kadalo koob kooban kasoo jeediyay G/xigeenkii gudidda xilkoodu dhamaaday YUSUF AHMED iyo xubin katirsan gudidaas YAXYE SHABEEL, iyaga oo dhamaantood kacudur daartay dibudhaca xaflada kutimid iyo kala daadsanaantii gudidii hore ee ay kamid ahaayeen, waxaana hadaladoodii kamid ahaa "Gudidan xilka wareejinaysa caawa oo kakoobnayd 11 arday waxa kajooga sadex arday oo kaliya intoodii badnaydna waxay kusugan yihiin wadankii, taasina waxay daliil utahay kala daadsanaanta gudidii hore, sidaad darteed waxaan idinka codsanaynaa inaad lashaqaysaan gudida cusub ee caawa aynu doorano."

Intaas kadib waxa laguda galay doorashada gudida cusub iyada oo madashana lagusoo dhaweeyay G/Gudida doorashada Nimcan Cabdi Cali, waxaanay gudida doorashadu soo bandhigtay xeer qabyo ah oo lagu dooran doono gudida cusub, waxaana qodobadiisii kamid ahaa:

1- In qofka gudomiye isku soo sharaxayaa ugu yaraan hal sano joogay Malaysia
2-In wax kabadan halsano uga hadhsan tahay waxbarashada qofkii gudomiye isusoo sharaxaya.


Balse shuruudahaasi may noqon kuwa shaqeeya oo lagu dhaqmo, kadib markii diidmo aan badnayni kaga timid kasoo qayb galaashii xaflada. Iyada oo mararka qaarkood uu lumayay nimaadka doorashadu, waxa ugu dambayntii laga talaabsaday qodobo kamid ah kuwii doorashada, iyada oo ugu dambayntii halkaas lagu doortay gudi kakooban 11 xubnood oo badankoodu ah ardaydii timid labadii sano ee u dambaysay wadanka Malaysia oo uu gudomiye u yahay KHADAR DAAHIR CIISE, G/xigeenka loo doortay AHMED SHADAAF.

Waxa xusid mudan in goobta doorashadu kadhacay ay kasoo xaadireen 122 arday, halka ardayda reer Somaliland ee wadanka Malaysia kusugana lagu qiyaaso kudhawaad 300 arday. Waxaana madasha laga dareemayay inay kamaqan yihiin aqoonyahano badan oo wax katari lahaa tayada iyo kor uqaadida sumcada gudida ardayda reer Somaliland ee Malaysia.

Ugu dambayntii, iyada oo ladhaliili jiray gudiyadii isaga dambeeyay sadexdii sano ee ugu dambeeyay ururka ardayda reer Somaliland ee Malaysia ayaa gudida cusubna lagu qiimayn doonaa sida ay uga dabaashaan waxyaabihii ka hor yimid gudiyadii kahoreyay oo ay uga shaqayn lahaayeen isku xidhka iyo kor uqaadida wacyiga ardayda reer Somaliland ee wadanka Malaysia.

Ahmed Ismail Abdi, Kuala lumpur Malaysia
ahmed@somalilandedu.com

Malaysia Editor
Somaliland Education Network

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network