|
Doha(10/11/2006) Munaasibad
aad u baladhan oo ay soo Qaban Qaabisay Kooxda Waaga cusub ee
Qatar iyo fanaanka Cabdirasaaq Salebaan Gaas ayaa waxay ka dhacday
Caasimada Wadanka Qatar, xafladan oo ay soo Qaban Qaabisay Marwo
Saynab Maxamed Cajab iyo Kooxda Waagacusb Qatar aya waxa ka
soo Qayb Galay Dad lagu Qiyaaso ilaa 500 o qof waa markii u
horaysay mudo ay meel fagaara oo ku talaa caasimada wadanka
Qatar ay isugagu soo baxaan Soomali intaa gaadhaysay .

Xafladan oo ahayd mid lagu maamusayey Jamacada Burco ayaa waxa
halkaa ka soo jeediyey hadalo munaasabadaas Aqoonyahano soomaliyeed
iyo marti sharaf kale ooo farabadan xafladaas oo iyana lagu
asaasay kooxda waagacusub ee Qatar, munaasabdii xaflada waxa
ugu horayntii warbixin ka
bixiyey asaaska jaamacada burco marwo :Saynab Maxamed Cajab
oo ah asasayaashi Jaamacada Burco Ahna Wakiilka Jaamacada Burco
Ee Qatar.
Waxaa isna Halkaas Ka Hadlay Profsoor;Faarax oo Ka Hadlay Marxalada
ay soo Martay
Jaamacada Burco iyo Inta Qaybood ee ay ka kooban Tahay, Waxa
isna Halkaas Ka Hadlay Guudomiyaha Kooxda Waagacusub ee Qatar
Marxalada ay soo martay kooxdan oo noqotay Koox ka kooban Dhalinyaro
kana Qatb Qadan Doonta Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka , Gudoomiyaha
Kooxdan ayaa ku dhiira geliyey Aqoonyahanka Soomaliyeed iyo
Bulshawaynta in ay ku daydaan Marwo Saynab oo la soo bandhigo
in la maamuso Jaamacada Geeska Africa ka jira oo dhan gabagabadii
Xaflada Ayaa waxa lagu dhawaaqay Koxdan Waaga cusub oo ka koban
Sidan soo
soo cota
1- Gudoomiyaha Kooxda Waagacusub ee Qatar:Mudane Naasir Maxamed
Cali Shinbir
2-Gudoomiye Ku xigeen : Cabdilaahi Soofe Yaasiin
3- Sales Markating: Axmed Ayax
4-Xisaabiyaha Kooxda : Maxamed Shiine
5- Xoghaynta Kooxda; Mustafe Nuur (waraabe)
6- Studio-ga waagacusub:Cabdala Farxaan (Qaboojiye)
7-Wakiilka Kooxda UK u jooga cabdi khadar Basbaas
Qaybta jilaaga waxa ka mida :Libaan Baabulaahi, Xasan Guurdoon,
Maxamed
Yasalaam iyo Cabdi Naasir
Fanaaninta Heesaha , Mustafe kiiko , Cabdiraxmaan Jeey , Mustafe
Nuur
Jamaal Ibrahim Maxamed
jamaal@somalilandedu.com
Somaliland Education Network
Hargeysa
|