UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

Yaa Masuul ka ah Burburka Qoyska?

 

“70% ayuu Raggu leeyahay” , “Haweenka laftoodu qayb ayey ka yihiin Furriinka”

Inkasta oo dad badani aaminsan yihiin in tirada qoysaska reer Somaliland ee kala tagaa ay aad u badan tahay, iyaga oo masuuliyadda eeddana saaraya duruufo dhaqaale.

Haseyeeshee, sida ay weriyaha Jamhuuriya ee arrimaha haweenka u xaqiijisay Ifraxaa Aadan Cumar oo ah qareen difaacda dumarka raggooda ka tirsanaya gefafka, ayaa sheegtay in masuuliyadda burburka qoyska inta badan eedeedu saaran tahay ragga, haweenka laftooduna qayb ka yihiin furriinka lammaanaha.


Qareen Ifraax Aadan Cumar oo hore uga tirsanaan jirtay hawlwadeennada Wasaaradda Caddaaladda, waxa ay hawsha looyarnimo soo haysay muddo afar sannadood ku dhow, ayaa iyada oo faahfaahinaysay tirada kiisaska qoysaska kala tegay ee soo maray Maxkamadda Degmada oo ay ka toos uga hawlgasho sannadkii hore ee 2006, waxa ay tidhi; “135 kiis oo furriin ah ayey maxkamaddu qaaday sannadkii tegay ee 2006.”

Inkasta oo ay dadku ku kala aragti duwan yihiin sababaha inta badan keena furriinka lammaanaha, isla markaana ay masuuliyadda eedda burburka qoyska labada dhinac isku riixaan, haddana Marwo Ifraax Aadan Cumar oo arrintaa sharrax ka bixinaysay waxa ay tidhi; “70% burburka qoysku waxa uu ka yimaaddaa ragga.” Iyada oo faahfaahinaysay sababta ay eedda badankeeda ugu xambaarisay ragga, waxa ay intaa raacisay; “Masuuliyaddii Ilaahay ka saaray qoyska oo ay dayaceen. Xilkasnimo-darrada ragga qaarkood waxay gaadhay reer iyo carruur dhan in ay meel dhigaan, dabadeedna aanay dib ugu soo noqon.”


Dumarka ay ku dhacaan kiisaska noocaas ahi marka ay maxkamadda yimaaddaan, waxay Qareen Ifraax xustay in maxkamaddu samman u yeedhis ah u dirto si wax looga weydiiyo eedaha haweenaydiisu ka tirsanayso, waxaanay tidhi; “Tusaale ahaan; dacwadda marka isaga [ninka] loo yeedho dhibaato fara badan ayaannu kala kulanaa, waxana la weydiiyaa wixii ay qoysku maalintaa cuni lahaayeen, waxana laga yaabaa in uu gabadh kale guursaday oo uu sidaa ku dayacay.” “Haseyeeshee,” ayey raacisay; “haddii nolol daacad ahi jirtose oo labadoodu daacad isu yihiin waxa yar ee uu soo xamaasho ayuu keeni karaa.”


Furriinka ku yimaadda falalka la xidhiidha haddii uu guur kale oo qarsoodi ah la yimaaddo masuulka qoysku, ayaa iyaguna ah kuwo kaalin weyn ka qaata waxyaabaha sababa burburka qoyska.


Hase ahaatee, waxa ay Qareen Ifraax Aadan Cumar xustay in masuuliyadda eedda burburka qoysku aanay ku ekayn ragga oo qudha, balse ay haweenka laftoodu qayb ku leeyihiin, “30% masuuliyadda eedda furriinka waxa ay ka timaaddaa dhinaca haweenka, oo iyaga laftooda ma wada odhan karo way wada wanaagsan yihiin, waxase jira qaar masuuliyaddii iyo waajibaadkii Ilaahay saaray aan ka soo bixin.”


Dacwadaha furriinka ah ee dhacay caasimadda Hargeysa ka dhacay sannadkii 2006 ay tiradoodu ahayd 135 kiis, haddana marka la eego dhinaca guurka waxa kal hore Maxkamadda Degmada Hargeysa isku nikaaxday 306 lammaane, marka laga reebo qoysaska iyagu dibadda ku dhammaystay guurkooda, tiradaas oo u dhiganta labanlaab cadadka qoysaska kala tegay sannadkaa.


Wasiir Arrimo Dibadeed Umuliso ah !


Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa intii ay xilka wasiirnimo haysay waxay dhowr jeer warbaahinta dunida qaarkood u sheegtay arrimo dhowr ah oo la xidhiidha nolosheeda gaarka ah ee haweennimo, waayo-aragnimadeedii hore ee shaqo iyo saamaynta uu xilka Wasiirka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku yeeshay nolosheeda.


"Weli waxaan ahay Kalkaaliso iyo umuliso, waxaan shaqada umulisinimada galaa subax walba waaberigii 3:00 aroornmo saqa dhexe waxaana jira xaalado degedeg ah," ayay tidhi Mawro Edna Aadan Ismaaciil oo khibradeeda shaqo ee markii hore ka soo bilowday ahayd kalkaaliso caafimaad, taas oo u suurtogelisay in ay ka mid noqoto gabdhihii ugu horreeyey ee ka shaqeeya Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo ah degaankii ay ku kacaantay.


Inkasta oo ay xilligan xoogga saartay dhinaca siyaasadda, haddana taasi ma noqon mid ka horjoogsata shaqooyinkii iyo hawlihii ay caanka ku ahayd ee la xidhiidhay dhinaca caafimaadka, gaar ahaan umilisonimada. "Waqtigeyga firaaqada ah waa marka aan hurdo, waxaan ku noolahay cusbitaalka, haddii wax degdeg ah jiraana way ii yeedhaan, markaas baan u soo degaa oo hawsha la qabtaa," ayey tidhi Adna oo Wasiir arrimo dibaddeed iyo Kalkaaliso umuliso ah kulansatay.


"Allaa mahad leh saakay ba-an hooyo canugeedii oo nool ka um-ulinay," ayey tidhi Marwo Edno oo badhtamihii sannadkii hore u warameysay barnaamijka Network Afrika ee BBC-da, waxay kalkaalisanimada ku baratay dalka Ingiriiska waxayna ka soo shaqeysay ururka caafimaad ad-duunka WHO, iminka waa haweeney keli ah oo xaas ahayn, inkastoo ay saddex jeer hore u guursatay, saygeedii ugu horeeyay ayaa ahaa Maxamed Ibraahim Cigaal, waxay sheegtay in aanay qorshaha ugu jirin guur kale oo ay gasho, oo howsheeda, cusbitaalkeeda, qarannimada Somaliland iyo xuquuqda insaanka ay xaas u tahay una shaqeyso.


"Waxaan guursaday saddex nin, waxaan ahay 66-jir, waxaan garanayaa waxa uu guurku yahay," ayey hadalkeeda ku soo afjartay Marwo Edna Aadan Ismaaciil.


Source: Jamhuuriya Online


 

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network