|
Waxaa uu burburkii iyo dhibaatadii laga dhaxlay dawladii Siyaad Bare
ay keentay in Somalidii u dhoofi jirtay wadamada carabtu ay
u diga rogtaan in ay Yurub iyo Waqooyiga Ameerica ay waydiistaan
qaxoontinmo oo ay wadamadasi tagaan waxaana la sheegay in 90kii
ay ahayd wakhtiyadii u horreeyyee somalidu badankeedu ay soo
galeen ama u soo haajiraan dibadaha .
Hadaba kala fogaanshahaas ay kala fogaadeen Bulsho wayntii soomaliyeed
ayaa waxa ay saamayn wayn ku yeelatay Qaybaha kala duwan ee
bulshada Gaar ahaan waxa ay si toos ah u taabatay arintaasi
Dhalinyarada oo iyagu u badnaa dadka dhoofayayey iyo kuwa laga
dhoofayeyba.
Hadaba su’aasha meesha taal ee qof
wal oo masuul ahi uu is waydiinayaa ama garaad lahi waa Maxaa
kala haysta Dhoofka iyo Dhalinyarada ?
Su'aashaas jawaabteeeda waxa aynu u kala qaadi doonaa dhawr
jawaabood in aan ka baxiyo bal in aan isku dayo
Waxyaabaha ugu waawayn aniga oo soo qaadanaya ayaa waxa wakhtiyadan
iyo kuwii in yar oo mudo ah ka horeeyayba soo badanaaya Dhalinyarada
Arimaha Dhoofka ka hadla kana sheekaysta waxa ku taxaluuqa uun
dhoof
Waxa muhiim noqotay horta in la ogaado waxa loo dhoofo waxa
ay tahay? Su’aashaas jawaabteeda oo aan u bandhigay dhalinyaro
badan oo mutacalimiin ah iyo kuwa garaad badanka waxa ay jawaabahii
ay ka baxinaayeen iskugu soo biyo shubatay dhawr kan arimoood
ee soo socda.
- Doonis dhaqaale iyaga oo ka fakira in mesha ay tagayaan ka
dhaqaale iyo nolol fiican tahay sababata oo ah waxa ay og yahiin
dalkoodii camal la’aanata ka jirta iyo noloshiisa balse
waxa ay hilmaameen wax badan oo aan ku xidhnaynin arimahaas
- Iyaga oo ka fakira in ay helayaan shaqoouyin fiican oo dhaama
badiba kuwa yaala wadama Africa,balse waxa iyaduna xaqiiqa ah
in shaqooyinka laga qabto wadamadaas horumaray ay u badan yahiin
kuwa xoog inta si kale u shaqaysaana ay iska yar tahay.
- Raadin aqoon iyo waxbrasho fiican waana arinta ugu muhiimsan
ee runta ah waayo xaga aqoonta wax badan oo horumar ah ayay
ka sameeyeen wadamdaas horumaray ee badanka dhalinyardu u dhoofo
waayo aqoonto waa shayga kali ah ee ay muhiimada siiyeen wadamaasi
sidii ay u horumarin lahayeen dhalinyaraduna waxa ay badanka
door bidaan in ay waxbrashadaasi raadsadaan oo u haajiraan goobahaas
ay is leeyahiin waa dhaantaa ta wadanka taal
- Guurka iyo Jacaylka oo ah ta ay u badan yahiin dhalinyardu
waayo waxa mudooyinkan dambe soo badanaayey guurka ka dhex dhaca
gabadha ama wiilasha kala jooga laba qaaradood oo dunida ah
waxaanay arintaasi in badan sahashay oo fududaysay in dhalinyaro
badani ay u dhoofaan oo tagaan wadamada reer Yurub iyo Maraykankaba
iyo waqooyigiisaba,guurkaaasina waxa uu noqday biriijkii lagu
taagaayey ama aallad fura u ah u haajirida wadamaaasi.
- Baadi goobaka dhalinyaradu ay baadigoobayaan in ay helaan
waayo aragnimo iyo khibarad badan oo ay u leeyahin wadamo badan
sababta oo ah waxa ay markba kuu soo qadimayaan maah maahdii
soomaliyeed ee ahayd (NIN AAN DHUL MARIN DHAAYO L’A) waayo
mar walba waxa ay dhalinyardaasi kuu sheegayaan in dhulka ay
soo mareen iyo kuwa ay joogaanaba waxa ay ka faaiideen ay tahay
wax badan oo noloshooda ay hore u arkin ama la yaabaan.
- Waxa kale oo aan iyaduna meesha ka maqnaynin fikarda dad badani
ay ka haystaan dibadaha sida ay yahiin iyaga oo ku odhanayaana
xaga deegaanka iyo quruxda sida dalka loo horumariyay ay uga
horeyso wadamaday ka yimaadeen ama ku soo noolaan jireen .
Hadaba arintu si kastaba ha ahaatee hadii aan
waxooogaa ka yar taabtaabtay siyaabaha loo dhoofo iyo faaiidooyin
ay sheegeen dad badani,waxa iyaduna jirta in faaiidooyinkaa
lagu qabo dhoofka ay dhinac socdaan dhibaatooyin waa wayn oo
saaamayn wayn ku leh bulshadii soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada
oo ah kuwa wax badan u nugul iyo waliba kuwa badan oo ku hamiya
in ay mar uun ka dhabeeyaan hamigooda ah in ay mar uun dhoofi
doonaan
Hadaba waxa aynu iyadana in ay wax ka odhan doonaa ama eegi
doonaa waxyaabaha caqabadaha ama dhibka ah ee dhoofka iyo dhalinyarada
kala haystaa waana kuwan sidaan ka soo ururiyay dhalinyaro badan
oo dhooftay iyo kuwa kale oo aqooon fiican u leh arintaasi.
- Doorsoomida dhaqanka fiican ee somaalida oo ah isbadakada
ugu xun xun ee ku dhaca dhalinyarada maxaa yeelay waxa ay ka
tagaan dhaqankii iyo Hidahii fiicnaa waxa ayna qaataan nidaamka
dhaqan dhaqaale ee wadanka ay joogaan sida uu yahay iyaga oo
marka aad waydiiso waxa sababay in ay dhaqankoodii ka tagaan
oo qaataan ku kale ay kugu jawaabayaan ama ay ku odhanayaa jawaab
aad in badan diidayso oo maskaxda fayowi aanay qaadan Karin
taasi oo ah (HADII AAD TAGTO DAL LAGA WADA IL LAA’YAHAY
ISHAA LA ISKA RIDAA) iyo kuwa aan dhaamin oo kale .
- Diinta oo aan aad looga baran amaba ugu yar wadamada reer
galbeedka taasina waxa ay dhib wayn ku noqotay qoysas badan
in ay ku dhacdo arimo aad u xun xun oo aan afka laga sheegi
Karin oo ah diin doorsoon ku dhaca ubadkooda,waxa kale oo arintani
ay si gaara u taabatay dhalinyarda oo u nugul wax badan oo is
badal ah oo ka dhacaaya dunidan (Globalalization) ka noqotay
,waayo waxa ay waayeen Aas aaskii diinta lagu baran jiray sida
Malcaamad quraankii iyo madarasadahii laga baran jiray oo dhan
,iyo waliba taasi oo ay u dheer tahay waalidka oo mar walba
ka mashquulsan ubadkooda oo aan u helin wakhti fiican oo ay
ku baraan ama uug sheegaan wax badan oo ay tari kari la’haayeen,dhibaatadani
waa mid maxali ah oo si gaara iyo si guudba u taabata dhalinyarada.
- Is fahan la’aan ka dhex abuuranta dhalinyarada iyo bulshda
ay la nool yahiin iyo is fahan la’aan kale oo ka dhex
aloosanta dhalinyarada iyo waalidkood taasi oo ay in badan sabab
ay u tahay dhaqanka iyo bulshda ay u tageen oo u nool ama u
dhaqma qaab ka duwan kuwii ay yaqaaneen dhalinyaradu,dabadeed
waxa dhaci kara in dhalinyaro badani ay qaataan ama u dhaqmaan
siday ka arkaan bulsho kale taasina ay sabab u noqoto khilaaf
laxaad leh oo ka dhex dhaca iyaga iyo waalidkood,arintani waa
mushkiladaha ugu badan ee ka dhaca wadamada reer galbeedka waxaanad
magaalooyinka waa wayn aad ku arkay’saa dhalinyaro badan
oo lagu odhanaayo dhaqan celis iyo diin bararsho ayaa loo keenay
dalkoodii hooyo ee ay ku bar bareen
- Bohol-yow (home sick),ay u soo bohol-yoobaan dhalinyaradu
dhulkoodii hooyo waayo dhalinyarada oo ka mid ah bulshada kuwa
ugu xisaha badan hadba waxii wakhtigaas jooga ayaa in badan
marka ay maqlaan ama looga sheekeeyo horumar badan oo laga sameeyay
dalkoodii, waxa ay higsadaan ama ku hamiyaan sidii ay bal arintaasi
u soo ogaan lahaayeen taasina waxa ay sababtaa in uu ku dhaco
bohol-yow
Haddaba arintu si kastaba ha ahaatee waxa aynu
ka soo sheekaynay oo aynu yar taa taabanay arimo badan oo faaiidooyin
iyo kharaaraeba iskugu jira hadaba waxa aan odhana karnaa dhoofku
waa midi laba af l’e waayo waa hadaba sida looga faaiidaysto
isaga oo aan la hilmaami Karin waxii alle qoray oo iska qoran.
Dhanka kale marka aad iyadana eegto mushkiladaha oo in badan
ka badan faaiidooyinka waxa kuu cad oo aad ogaanaysaa in mushkiladaasi
ay garan karaan oo kali ah cida ay arintani si guud iyo si gaaraba
u saamaysay,waaxaaana hubaal ah in qoysas badani ay ka shaleeyaan
wax badan qoysas kalena ku taamaan sidii ay ubadooda u dhoofin
lahaayeen.
Guntii iyo gababagadii waxa aan maqaalkan ku
soo gunaadnadayaa laba qodob oo kale ah in la helo maskax fayow
oo garaad leh oo aqoonteediina leh taasina waxa ay in badan
wax ka tari kartaa mushkilado badan oo dhaca waayo waxa aan
arintaasi sabab u ga dhigayaa in dhalinyarada wadamada reer
galbeedka jooga ee magaca iyo sumcada lehi ay yahiin oo kali
ah kuwa aqoontoodu ay ka badbaadisay mushkilado badan oo ah
kuwa lagu guban karo waxaanay salaan ama biriij ay ku talaabeen
ka dhigteen aqoonta uu ilahay ku manaystay,halka dhalinyarda
aan aqoonta lahayni ay yahiin kuwa badanaaba dhex dabaasha ama
quusa dhib iyo mushkilad wal oo dhacda iyaga oo waaya aqoon
iyo garaad fiican oo ay ku maareyaan arimaha noocas oo kale
ah
Khaalid Jaamac Ahmed (Qodax)
Business Administration Department
University of Hargeisa
Allah Mahad Leh
|