Xirfadaha aqoonta akhriska iyo qoraalka ee dugsiyada dhexe iyo sare oo
kor loo qaadaa waxay caawisaa diyaarisaana mustaqbalka ardayda,
taas oo ay ku hawlgalaan waqtiga ay jaamacaddaha ku jiraan.
Qoraalkan waxaan ku soo bandhiyaa qaar ka mid ah xirfadaha/strategies
looga baahan yahay dusiyada dhexe iyo sare/Higher Grade Students
inay baraan ardaydooda kuwaas oo kala ah:
Direct Explicit
Comprehension Instruction-Fahansiinta Cad ee Toosan-
Xirfadan waxay ardayda Baraysaa
habka dib u curinta/summarizing,garashada
habka qoraalladu u qoran yihiin, , kala garashada shaxannada
la isticmaalay/graphic organizers, iyo rogaal celinta aqoonta
la bartay/prior knowledge. Sida ugu waxtarka weyn ee loo siticmaalayo
waa macallinka oo tusa ardayda qaabka ay u socdaan/modeling
each strategy, isagoo u sheegaya sababta ay u isticmaalayaan
xaaladdaa gaarka ah, siinayana tababar/practice badan isagoo
isla markaa isticmaalaya qoraallo kala duwan.
Tababarkan iyo
sharaxaddaa ka dib waa in macallinku uga baxaa ardayda markuu
arko inay iswadi karaan kelidood/using the strategy independently.
Teaching Reading in content Areas/Barista Akhriska
Maaddadaha-
Tani waxay la xidhiidhaa barista
ardayda qaabka fahanka/teaching comprehension strategies, (tusaale
ahaan; soo koobista mawduuca/outlining) iyadoo macallinku isticmaalayo
akhriska qoraalka maaddooyinka kala duwan sida science, xisaabta
iyo social studies. Macallimiinta strategy ga ay adeegsan karaan
waa word identification, visual imagery/sawir-muuqaal, self-questioning,
iyo paraphrasing/dib u qorista waxay ardaydu fahmeen iyagoo
isticmaalaya kalmadadahooda iyagoo aan u odhan sida qoraalka
uu yidhi).
Improving Motivation/Kor
Qaadka Nafsadda-
Ardayda marwalbooy ay ka gudbaan fasal waxay qaar badani go’aansadaan
inaanay ku wanaagsananyn akhriska. Iska dhaadhicintaa oo noqota
mid joogta ah ayaa sababta ardaygu inuu ku tago qirsanaadana
inaanu ku wacnayn akhriska oo uu aanu isku taxalujin. Cilmi
baaris ku saabsan arrintan ayaa kula talinaysaa inuu macallinku
isku dayo dariiqan soo socda:
·
Inuu siiyo ardayga inuu akhriyo wuxuu doono/choice in the what
they read;
· Inuu sameeyo waqti wax akhrista-xorta
ah inta schoolka la joogo. Building independent reading time
during school time.
· Inuu u oggolaado ardayda inay
doortaan baaris qoraal ah. Research in writing topics.
· Inuu dejiyo himilo-qoraal/literacy
goal, iyo habkuu u gaadhi lahaa.
· In ardayda laga wergeliyo
horumarkooda iyo intay u jiraan himiladooda/goal.
Cooperative Learning/Barashada
Wadashaqaynta-Tani
waa ardayda oo u wada akhrida ama u qora labo labo, ama koox
koox-small groups. BW waxay si goonni ah loogu isticmaalaa ardayda
waaweyn (grades 4-12), ardayda baranaysa luqadaha labaad sida
ESL, iyo aradayda ay ku adagtay waxbarashada-students with learning
disabilities.
Tutoring/CaawintaArdayga-Sida ugu weyn ee lagaga caawin karo ardayda liidata/struggling
students waa iyadoo loola shaqeeyo goonni ahaan/individual attention,
xoogna la saaro kobcinta akhriska,qoraalka, iyo gaadhista siday
keligood isu wadi la haayeen-read,write and learn independently.
A variety of
Texts/Isticmaalka Buuggaag Kala Duwan-Fasalwalba
ama library waa in laga helaa buugaag kala duwan oo kukala qoran
habab kala duwan/styles, genres,iyo qoraallo ku saabsan maaddooyinka
ay dhiganaya/content areas taas oo dhiirrigelinaysa barashada
akhriska kala duwan. Waxaa muhiim ah in akhrisku noqdo mid ku
habboon da’dooda/age appropriate books, iyo heerkooda
waxbarasho ee ay marayaan, isla markaana
ah buuggaag xiiso leh soona jiita dhiirri-geliyana akhriskooda
iyo barashadooda.
Intensive Writing/Isticmaalka
Qoraallada Culus-
Ardayda waa inay ugu yaraan wax qoraan (2 ½ saacadood wiig walba,
qoraalkan oo ah mid sharax cad leh/instructed) waxay kor u qaadayaan
xirfadahooda qoraal, fahan/comprehension skills, kala qaybinta
qoraallada, ku-dabaqaadda akhriska maaddooyinka ay dhiganayaan,
iyo ka faallaynta waxay akhriyeen/critical thinking. Qoraalka
ugu wanaagsani wuxuu noqonayaa ka ay la socoto lehna ujeeddo
iyo midho dhal caddaan ah/clear objectives and expectations
(tusaale ahaan, isticmaal more figurative language), iyo ardayda
oo wadaagta qoraalkooda si ay u arkaan faraqooda.
Ongiong Formative
Assessment/Isticmaalka Ogaanshaha Joogtada ah-Waxbaristu waxay u baahantay inay lahaato ogaansho/assessment
lagu eegayo ardayga wuxuu ku wanaagsanyay iyo wuxuu ku liito/student’s
specific strengths and weaknesses, dabadeedna uu macallinku
u diyaariyo plan iyo habkii loo mari lahaa qorshahaa.
Waxaan ku dari lahaa class strategies
aan kor ku xusay oo muhiim ah kuwan hoose:
- In dugsiyadu aasaasaan barnaamij
akhris-qoraal/A comprehensive and coordinated literacy program.
- In la kordhiyo xoogna la saaro
saacadaha literacy ga (ilaa 10 saacadood wiigiiba)
- In macalimiinta la siiyo barnaamijyo
ay kor ugu qaadayaan aqoontooda-professional development
- Macallimiinta oo koox koox
isula shaqaysa isweydaarsadana aqoontooda
- Iyo maamulka dugsiyada oo
kor u qaada aqoontooda maamul.
Mohamed Sudi Hassan
Educational
Consultant
Boston, USA
|