UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

Dhalan-rogga Guurka iyo wacdi la’aanta Culimadda !

 

Waxaa hubaal ah, oo marag ma doona in waayadan danbe bulshadeenu ay ka aradan tahay dhaqankii wanaagsaan oo waxyaabo badan oo diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ceeb ahaa ay hadda noqdeen waxa lagu faano, waxa ayaan-darro ah in beryahan soo baxday arrin aad u naxdin badan oo diin ahaan iyo dhaqan ahaanba wanagasanayn.


Taas oo ah in hablihii laba-laba mar la wada arooso. Dhaqankan cusub ee soo kordhay ayaa ah mid aan fiicnayn oo u baahan in halkiisa lagu joojiyo, si aanu ugu faafin bulshada. Waxa iyana nasiib-daro ah in hableheenii qaaliga ahaa, ee aynu ku faani jirnay, ay aqbalaan dhaqankan inagu cusub dhaqan ahaan iyo Diin ahaanba. Sababtoo ah, hablaheenu haddii ay maanta ogolaadeen in laba-laba loo arooso, waxay sugaanba waa iyaga oo Afar-afar loo arooso.

Taasina waxay meel-ka-dhac ku tahay dhaqankii soo jireenka ahaa ee ay lahaayeen Hooyooyinkeenii hore, isla markaana waxay noqonaysaa inay ka baydheen dariiqii hore ee aynu dhaqan ahaan lahayn.

Hablow ma ogtihiin in Hooyadeen Xaawa markii la abuuray la weydiyay, Aadan ma jeceshahay. Waxaanay ku jawaabtay, maya, iyadoo jacaylka ay Aadan u haysay uu badnaa. Taas oo aynu odhan karno wuxuu ahaa dhaqan mudnaa in lagaga daydo. Inkasta oo habluhu aanay sinnayn, oo ay jiraan kuwo haysta dhaqanka noocaas ahi, haddana, qaar ka badan oo ka mid ah ayaad mooddaa inay baal-mareen. Waxaanan odhan karaa waa dhaqan aan looga baran guud ahaan bulshadeena, gaar ahaanna hablaheena qiimaha iyo qaddarinta mudan.

Inkasta oo Guurku yahay shay qaaliya oo aan lahayn ku dheel-dheel, oo gabadhu ay xaq u leedahay in 7-da habeen ee u horeeya ay la joogto ninkeeda, sida uu Rasuulkeenii suubanaa (scw) yidhi, “Inanta bikrada ah marka la guursado 7 habeen ayay xaq u leedahay in ay ninkeeda la joogto”, ayaa haddana, maanta waxay hablaheenii isku koobeen hal habeen.

Haddaba, inaga oo ah ummad 100% muslim ah, waxaa haboon in aad dhawrtaan sunihii Rasuulka (CWS), mana fiicnaa in aad dayacdaan baahidiina iyo doonitaankiina aad xaqa u leedihiin, waana inaad ka digtoonadaan dhaqankan aan fiicnayn ee aad laguha la gasheen.

Waxad ogaataan in tani sii socon doonto haddii anay ka tashan bahwaynta haweenka ah, gaar ahaan kuwa ku midobay URURADA dalka ka jira. Waxaanan bulshada kala duwan u soo jeedinayaa gaar ahaan dhalinyarada, in ay ka waantoobaan arinkan inagu cusub ee ugubka ku ah dhaqankeenii, maxaa yeelay ma fiicnaa in qofku niyad ahaan u mashquulo habeenkii uu si fiican u farxi laha. Isla markaana waxaan Culimo’udiinka u soo jeedinayaa in ay ka hadlaan oo ay ka wacyi geliyaan dhalinyarada, kulana taliyaan in halkii uu ninku hal habeen laba haween ah soo wada hoyn lahaa, ay ka fiican tahay in dhalin yaradu ay is-urursadaan oo ay isku dayaan in hal habeen ay wada aqal galaan afar ilaa shan aroos oo ka kooban shan caruus iyo shan caruusadood, sababta aan sidaas u leeyahayna waxaa ku jirta maslaxad fiican oo halkii nin keliya qarashku ku dhici lahaa ayay qaybsanayaan shan rag ahi.

Waa bilaahi tawfiiq.

Hassan Cumar Hassan (Ina Cumar Foolyare)
caawiye2003@hotmail.com,

Hargeisa.


 

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network