UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

Xaflad loogu magac daray " Habeenka Aqoonta iyo Ardayda Reer Somaliland ee Dalka Malaysia" oo ka dhacday Jaamacada Multimedia-Malaysia

 

Waxaa habeenkii ay taariikhdu ahayd 11/2/2006 lagu qabtay Jaamacada MULTIMEDIA ee wadanka Malaysia xaflad balaadhan oo loogu magac daray "HABEENKA AQOONTA IYO ARDAYDA REER SOMALILAND EE MALAYSIA". xafladan oo ay soo abaabuleen gudida Ardayda Somaliland ee Jaamacada MULTIMEDIA ayaa waxa u jeedadeedu ahayd sidii ardayda reer Somaliland ee dhamaystay waxbaradu ay talo iyo tusaale u siin lahaayeen ardayda wali ku guda jira waxbarashadooda .

Waxa xaflada kasoo qayb galay aqoon yahano reer Somaliland ah oo ay kamid ahaayeen SH XASAN, C/CASIIS AHMED ALI, tafatiraha shabakada waxbarashada Somaliland MAXAMED CALI DHUUX , SAYID ISMA'IL XUSEEN iyo MAXAMED MUUSE JIBRIIL (SHIDO).

Aayado quraan ah kadib waxaa hadalo qiimo leh habeenkaas kasoo jeediyay madasha aqoonyahanadii lagu martiqaaday.


Ugu horayn waxa madasha lagu soo dhaweeyay SH XASAN oo si wayn ugahadlay ahmiyada ay leedahay aqoontu iyo sida loogu baahan yahay in ardaygu isugu wado aqoonta maadiga ah iyo tan diiniga ahba. SH XASAN waxa uu sheegay in aanay iska hor imanayn barashada diinta islaamka iyo ta maadiga ahi. waxaanu usoo jeediyay ardaydii xaflada kasoo qayb gashay inay aqoonta madiga ah ee ay baranayaan noqoto mid ku dul wareegta diinta islaamka, wax kasta oo ay baranayaana gundhig looga dhigo diinta islaamka.

Ka bilow bidix: Sayid, M.Ali (Tifaftiraha SomalilandEdu ), iyo Abdi Aziz

Waxa isna madaha khudbad qiimo leh kasoo jeediyay Eng CABDI CASIIS AHMED CALI oo isagu ka qalin-jabiyay International Islamic University of Malaysia.

waxa uu si balaadhan u sharaxay sida uu ardaydu guul uga gaadhi karayo waxbarashadiisa, waxaanu ardayda aad ugu booriyay inay akhriska badiyaan, isla markaana ay yareeyaan soojeedka habeenkii iyo sheekada badan ee aynu dhaqanka u leenahay. waxaanu kula dardaarmay dhalinyaradii xaflada kasoo qayb gashay inay kudadaalaan sidii ay uga dhabayn lahaayeen hadafkii ay Malaysia u yimaadeen.


Sidoo kale, waxa isna madasha lagusoo dhaweeyay Tafatiraha shabakada Somaliland Education Network MAXAMED CALI DHUUX, waxaanu Maxamed Cali ka hadlay sida loogu baahan in ardaydu ay ku xidhnaadaan ururada kale ee ardayda reer Somaliland ee aduunka, ururada wadamada islaamka iyo ururada caalamiga ah si ay uga faaiidaystaan, aqoona uga helaan.

waxa uu Tifaftiruhu si wayn carabka ugu adkeeyay muhiimada ay leedahay ardayga oo ka qayb qaata ururada, taasi oo wax wayn katari doonta shaqada iyo aqoonta uu ardaygu u baahan yahay, waxaanu kasoo qayb galayaashii xaflada hoga tusaaleeyay in ardayda hadhaw lagu qiimayn doono sidii uu ugasoo qayb qaatay activityga xiligii uu ardayga ahaa, isla markaana ay wax katari doonto khibrada qofku u leeyahay qaababka ay u shaeeyaan ururada kala duwani.

Iyada oo aad moodaysay in xaflada xaga aqoonta aad xooga loo saarayay ayaa hadana miidaanka hadalka laguso dhaweeyay aqoonyahan MAXAMED MUUSE JIBRIIL (SHIDO) oo shahaadada Degreega ee Daraasaadka Islaamka kudiyaariyay jaamacada Islaamka ee Malaysia, haatana shahadada Masterka kawada University of Malaya.

Mar Shido oo sheegay inuu wadanka Malaysia joogay sideedii sano ee u dambayay ayaa ka hadlay sida ay ardayda reer Somaliland wax uga baran karaan wadanka Malaysia iyo waxyaabaha looga baahan yahay.

waxaanu ardayda kula dardaarmay inay bartaan luqada wadanka Malaysia oo siwayn u caawin doonta ardayga xiliyada uu u baahan yahay.

Waxa kale oo Mr Shido ardayda kula taliyay inay meel iska dhigaan waxtasta oo kale oo ay ku mutidaan siday ay wadankan aqoon ugala tagi lahaayeen isaga oo tuaasle usoo qaaday faraqa u dhaxeeya
malintuu Malaysia yimid iyo maanta oo uu aqoon wayn ka bartay.


Sidoo kale waxa isna hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ardayda usoo jeediyay SAYID ISMAIL XUSEEN oo aqoon dheer iyo waayo aragnimoba u leh wadamada Koonfur-Bari Asia muda badana kusoo noolaa.

Mr Sayid oo dar daaran dheer u jeediyay kasoo qaybgalayaashii xaflada ayaa ardayda ku guubaabiyay sida qofka waxbataa uga qiimo badan yahay qofka jahliga ah ifka iyo aakhiraba.

waxaanu Mr SAYID ISMAIL BASBAAS ardayda ku adkeeyay inay maanka ku hayaan inay yihiin safiiro matala wadankoodii hooyo, islamarkaana ay ka fogaadaan waxyaabaha dhibta u keenayaya sumcada ardayda iyo tan uu huwan yahay ee wadankiisa.

Guntii iyo gabagabadii xafladan oo u badnayd dhiiri galin iyo aqoon
loo gudbinayay ardayda reer Somaliland ee waxbarashada jaamacadeed u jooga wadanka Malaysia ayaa lafilayaa in sanadkasta laqaban doono xiligan oo kale, iyada oo sanadada soo socdana lasii balaadhin doono.

Wadanka Malaysia oo lagu tilmaamo wadamada ugu badan ee arday reer Somaliland ahi wax kabartaan ayaa haatan u muuqda mid dufcadihii ugu horeeyay dhamaysteen waxbarashadii, halka kuwo kalena malinba maalinta kadambaysa ay iska soo daba dhacayaan, waxaana haatan tirada guud ee ardayda reer Somaliland ee kusugan wadanka Malaysia lagu qiyaasaa in ka badan 350 oo wax kabarta jaamacadaha iyo college-yada gobolada kala duwan ee wadanka Malaysia.



Ahmed Isma'il Abdi

ahmed@somalilandedu.com

Somaliland Education Network

Cyberjaya , Malaysia

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network