|
Akhriste waxaa hubaal
ah inaynu marayno casri ama xili lagu tartamaayo aqoonta,macluumaadka
iyo kobcinta masxkada qofka dhalinyaradaha ah,hadba si aynu
qeybteena uga qaadano kobcinta masxkada,waxaan idiin soo gudbinayaa
halxidhaalayaal aan is leeyahay saaxiibadaada akhristayaasha
ah kula qaybso macluumaadka.
Haddaba fadlan wakhti sii inaad ka jawaabto,wixii kugu adkaadana
Jawaabahooda la soco qaybaha danbe.
1- Axmed baa ku yidhi saaxiibkii Maxamed marka aynu mushaharka
qaadano,mushaharkeygu wuxuu leekaanayaa kaaga,mushaharkaaguna
wuxuu noqonayaa laban-laabka mushaharkeyga oo 1000 laga jaray,waa
intee mushaharka mid walba?
2- Ninka muslimka ah ma u banaantahay sharci ahaan inuu gursado
gabadha uu ka dhintay walaasheed?
3- Waxaad sheegtaa xayowaan leh afar lugood iyo kurus oo aan
awr ahayn?
4- Hadii ey dabada laga jaro maxaa soo baxaaya?
5- Inan baa gabadh ku yidhi maxeynu isku nahay, waxay ugu jawaabtay
hooyaday waxay dhashay hooyadaa,sodohday inankeeduna waa adeerkaa,gabadhu
inanka maxay u tahay?
6- Geed baa leh 12 qaybood,qayb kastaana waxaa ku yaala 30
laamood,laankastana waxaa ku yaal 5 midhood,shanataa midhood
3 qoraxda ayey ku yaalaan,2 hadh bay yaalaan sheeg geedkaa?
7- Waxaad sheegtaa wax marka la jiidaba gaabta?
8- Sheeg 5 lambar oo isku xiga oo isku geyntoodu tahay 50?
9- Waxaad sheegtaa labo dareere(liquid) oo meel ku wada jira,midabkooduna
kala duwanyahay ,iskumana darsamaan?
10- Waxaad sheegtaa magaca ninka dilay lixmeelood meel caalamka
ka mida mar qudha?
11- Waxaad sheegtaa wax aynu leenahay balse dadka kale isticmaalaan
iyagoon inaga fasax qaadan?
12- Waxaad sheegtaa wax lagaa qaado intaan lagu siin ka hor?
13- Waxaad sheegtaa wax lugihisu dhulka yaalaan madixiisuna
xidigaha ka sareeyo?
Axmed Maxamed Musse
caalim44@hotmail.com
Hargeysa
|