UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

HOOYADU WAA HOYGA NOLOSHA

 

Ifka waxa jooga ruux ay kor martay naxariistiisu, kalgacalkiisuna aanu koobnayn, taas oo ay seegeen dadyowga leh indho aan wax arkayn, dhego aan wax maqlay iyo culuub aan wax fahmayn. Waxaan filayaa inaad iswaydiisaan cidda qofkaasi yahay? Waa Hooyada oo qalbigeedu uu burqado kalgacal iyo naxariis ay u gudbiso ubudkeeda.

Waa tuma hooyadu?


Hooyadu waa hoy, waa lama huraan, waa dugsiga ubadka yar yar ee u baahan xanaano, waa xubinta ugu qaalisan qoyska, waa laf-dhabarta reerku ku dhisan yahay, waxay qaadaa oo culayskiisa aanay ka damqan ilmaha caloosheeda ku rafanaya muddada Sagaalka bilooda, waxay u dulqaadataa, barbaarinta iyo dhibka ka soo gaadha inta ay caruurtu korayaan.


Hooyadu waxay jeceshahay in ilmaheedu gaadho heer aanu qof kale gaadhin. Hooyadu waa qof ku nool rajo iyo yididiilo ay ka sugayso uma u filayso ilmaheeda.

Haddaba, dhaqankeena iyo diinteena oo hooyada lagu yaqaano waxa ka hor-imanaya dhaqmada shisheeye iyo waxyaabaha ay ka aaminsan yihiin in hooyadu u xilsaaran tahay. Isla markaana, waxay dumarka ku dhiiri geliyaan inay ka baxaan xadkii hooyanimo ee Allahii abuuray uu ugu talo-galay, iyagoo taas u maraya habab la xidhiidha ku wacyi-gelinta xuquuqaad iyaga ka maqan.

Hase yeeshee, hooyadu waxay waalidka ugu muhiimsan ku noqonaysaa u xog-ogaal ahaanshaha hadba xaaladaha uu reerkeedu ku jiro iyo baahiyaha lagama maar-maanka ah ee ubadkeeda, kuwaasoo wakhtiyadan dambe inta badan aanay abayaashu xil-weyn iska saarin.

Ugu dambayntii, Hooyo ha u qaadan doorka aad ku leedahay gurigaaga mid yar, ee ogow inaad tahay ilayska iyo nuurka qoyska iftiinka u daara.


Naciima Maxamed Muuse
Hargeysa


 

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network