|
Waxaa Bishu ahayd 27/07/06
Ka qalin jabiyay Jaamacada Camuud Dufcadii Shanaad ee ka baxa
Jamacadaasi .
Waxaana ka qalin jabiyay manta arday dhan 135 arday oo iskugu
jiray kuwa bartay dhaqaalaha iyo kuwa Educationa ahaa waxaana
xafladaasi oo aad loo soo agaasimay ka qayb galay madax sare
oo ka tirsan xukumada iyo xildhibaano ka tirsan labad gole iyo
maamulka dagmada boorama iyo marti sharf kale oo badan iyo dadwayne
aad u tiro badan waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay oo hadalo
soo dhawayn ah iyo kuwa uu kaga waramayo marxaladahii kala duwaanaa
ee jamacadu soo martay ka soo jeediyay gudoomiyaha jamacda camuud
Prof.DR. Saleebaan Ahmed Guuleed oo in badan ka waramay marxaladahii
kala duwanaa ee ay soo martay jamcadu intii ay jirtay waxaanu
sheegay in dufcadan manta qalin jabinaysaa ay yahiin kuwii shanaad
ee ka baxa jamacada camuud tan iyo intii la aas aasaay ,waxa
uu salaabeen in badan ku dheeraaday waxbrashadu qiimaha ay leedahay
iyo sida ay ugu heelan yahiin in ay soo saaraan maskax fayow
oo aqoon iyo garaad badan leh ugu dambayntiina waxa uu la dar
daarmay ardaydii ka qalin jabisay oo u rajeeyey in ay helaan
shaqooyin fiiican.


Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka
ee Boorama mr:C/raxmaan Shire Bile waxaaanu sheegay C/raxmaan
in ay ku jiraan xildhibaano iyo shaqaale kale oo badan oo ka
hawl gala dawlada hoose ee booram ay ku jiraan ardaydan manta
qalin jabinaysa waxaanu sheegay in uu aad ugu farxsan yahay
in uu arko arday dan maadama ay wada shaqayni ka dhaxayso .
Waxaa ugu damabytnii halkaasi ka hadlay Wasiiirka Wasaarda Waxbrahsada
ee JSL mudane Xasan Gadhwayne oo khudbad aad u dheer halkaasi
ka jeediyay waxaanu Wasiirku gudoonsiiyay ardaydii shahaadooyinkoodii,mar
uu wasariirku ka hadlaayey waxbrashada iyo qiimaha ay leedahay
waxa uu aad ugu dheeraaday heerarkii iyo marxaladahii ay soo
martay waxbrashada JSl waxaanu sheegay in manta heer fiican
la maraaayo marka loo eego halak aynu joogno waxaanu wasiirku
sheegay in ay manta ka jiraan dalka jamacado badan,sida Jamacada
Hargaysa,Jamacada Burco,Jamacada Camuud iyo kuliyado badan oo
dalka ka jira waxaanu wasiirku sheegay in ay mar walba u heelan
yahiin Jamacadaahaasi sidii ay u soo saari lahayeen dad reer
Somaliland ah oo aqoon fiican leh,waxaanu aad u amaanay Maamulka
iyo Hormoodka jamacada boorama oo uu sheegay in ay qabteen wax
badan oo ku dayasho mudan .
Khaalid Jaamac Axmed
Hargeysa
|