|
Wasiirka madaxtooyada
Somaliland ayaa sheegay in aqooyanahadii ka qalin jebiya jaamacda
hargaysa in ay buuxinayaan kaalin muhiim ah oo ka banaanayd
aqoonta sharciyeed ee Somaliland , wasiirka oo ka hadlayay munaasibad
ay aqooyahanadan cusubi ugu xafladaynayeen qalin jebintooda,
munaasibadan oo lagu qabtay Habeen hore Hotel Maansoor Hargeysa
.
Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay wasiiro xidhibaano iyo maamulka
jaamacada hargaysa iyo Ardaydii Kuliyada Sharciga ee Jaamacada
Hargaysa ka qalin jebiyay.
Waxa kale oo wasiirku intaa ku daray in ay Ardaydani yihiin
kuwo dalku ka sugayo in ay wax ka qabtaan wax ka bedelida qaabka
ay cadaaladdu u shaqayso, waxana hadaladiisa ka mid ahaa “Wax
maanta looga baahi badan yahay xagga sharciga in la sugo oo
la helo dad aqoonyahano ah oo inoo soo baxa waa wax lagama maarmaan
ah, si kasta oo lagu helaba waa wax la sugayo”.
Ugu dambayntiina wasiirku waxa uu Ardaydaas u dardaarmay in
ay isku diyaariyaan sidii ay uga qayb geli lahaayeen wax qabashada
sharciga iyo in ay ku shaqeeyaan daacad iyo aaminimo si ay kor
ugu qaaadaan kalsoonida cadaalada.
Waxa kale oo isna munaasibadaas hadal ka jeediyay wasiirka
wasaaradda cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo sheegay in
iyaga wasaarad ahaan farxad gaar ah u tahay maadama oo ay maanta
ay arday ka qalin jabisay waxbarashada sharciga oo la odhan
karo mihiim ayay u tahay dalka. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay
in dalkeena ay ka jirto baahi sharciga loo qabo in la horumariyo
si looga baxo cadaalad darrada dalkeena daashatay, waxa kale
oo intaa uu ku daray in wasaarada ahaan ay aad u danaynayaan
horana ay u dhowrayeen in kuliyada sharciga Jaamacadda Hargeysa
ay noqoto mid taabo gasha oo barashada sharciga wadanka kor
u qaada.
Sidoo kale waxa isna halkaa hadal ka jeediyay duqa caasimadda
Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo sheegay in aad ugu faraxsan
yahay in uu arko arday ka qalin jabisay sharciga, oo uu xusay
in ay yihiin dufcad si weyn loogu baahi qabay in la helo.
Waxa kale oo Mudane Jiciir tibaaxay in aan sharciga looga baahnayn
uun maxkamadaha ee looga baahan yahay bulshada, haayadaha iyo
maamulkaba. Waxana uu intaa ku daray in laga filaayo in ardaydani
ay qaban doonaan balantii ay qaateen ee ahayd in buuxin nayaan
gaabka banaan ee cadaaladeed ee wadanka ka jira.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Yuusuf Siciid Qaalib oo
ahaa ardaydii ka qalin jabisay Kuliyada Sharciga ee Jaamacada
Hargaysa .
Ugu dabanyntii waxaa halkaa hadal ka soo jeediayay gudoomiyaha
jaamacada Hargaysa Pr. Cabdi Haybe cilmi oo sheegay jaamcada
diyaar u tahay sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen barshada sharciga
si looga baxo baahida loo qabo, waxanuu ardyda ku dhiiri geliyay.
Shiine Cilmi Kaahin
Hargeysa,Somaliland
Shiinenet@yahoo.com
|