Marka
aad aragtid cinwaanka qoraalkan waxaa laga yaabaa inaad markiiba
isweydiiso ujeeddada ka dambeysa magaca, ama ay naftu muhato
ogaanshaha cabashadaa weyn ee ardaygu tabanaayo.
Waxaan marka hore jeclahay inaan ku xuso halkan sharafta, mudnaanta,
iyo qaddarinta aan u hayo macallinka meel uu joogaba. Macallinku
waa shaqsiga uu arday walba uu maanka ku hayo waqti walba, waayo
aqoonta iyo mahadhada uu ka kasbaday ardaygu ayaa xusuusisa
macallinkiisa tallaabo walba eeuu qaado noloshiisa.
Waxaa jirta oo aynu aqoonsanahay dhamaan ardaydeenni Somaliland
ama Somaliabadanaa wax ku dhigatay oo aan anigu ka mid ahaa,
in si gaaar ah wax loogu dhigi jiray taa soo ka duwan sida aynu
kala kulannay qurbaha.
Wax layaab leh maaha waayo dal walba ama institution walba
wuxuu leeyahay siyaabo/methods andapproaches goonni ah oo ay
duruustooda u dhigaan.
Waxa inta badan ku adkaataardaydaydeena la qabsashada hababkaa
cusub ee aan loo diyaarin khaasatankuweena qurbaha wax ka baranaya.Haddaba,
waa maxay kala duwanaanshahaasi? Waxaa barbaarinteenu taclimeed
ahaydmid ku sallaysan badanaaba xafiddaada/memorization kaas
oo aynu ku bilawno yaraanta iyo dugsi quraanka. Habkan oo ah
mid ay badanaaba carruuta yar yariisticmaasho marka ay yar yihiin.
Waxaa culimada falanqaysa arrimahan LiteracyLearning Processes
ka ay yidhaahdaan xafiddaadu waa kartida ugu horreeysa eemaskaxda
yari adeegsato.
Waxa taa inoo dheerayd innaga oo dugsi quraanka ka siibaranna
xafiddaad xad dheer leh, u noqotana nafteena xirfad muhiim ah
oo aynudheer nay dadka kale.Haddaba waa maxay waxa inaga maqan
ee aynu schooladi ka weynay markaynubilownay. Schoolada waxay
halkii badanaaba ka sii waadeen xafidaadii oo aynuxafidnay buuggaagtii
textbooks duruustu ku taalay, iyo sharaxii macallinka.
Macallinkeenni innama weydiin haddaynu wax ka naqaan maaddadaa
ama duruustamaalinta la qaadanayo ee innagu cusub waayo qof
waliba wuxuu leeyahay aqoon ugaar ah/prior knowledge uu ku cabbiro
ta la midka ah ee la dhigayo.
Macallinkusidoo kale inoo ma dirin inaynu maskaxdeenna isticmaallo
oo soo baadhno wixiimacluumaad ah ee dheeraad ah ee ku saabsan
subject la dhigayo. Macallinku sidooma siin forum ama dood ku
saabsan subject oo ardayda dhextaala /cooperativelearning, taas
oo sii weynayn karta aqoon iswedaarsiga ardayda dhaqangalna
unoqonaysa.Macallinkeenii wuxuu raacay manhajkii iyo qaabkii
uu kii ka horreeyey, ama macallinkiisii uu wax ugu soo dhigay.
Waxaynu odhankarnaa oo kale waxaaba sidaaaha education system
keena.
Wuxuu macallinku dhigi jiray waxa ku qoran textbookkaas oo aynu
innaguna aynu sidiisa u xafidi jirnay iyadoon aynaan isweydiin
ama su’aalo weydiin /critique macallinka ama qoraalkaba.
Macallinkeennu wuxuu ahaa kakeliya ee hadla/teacher centered
ee aan siinin iskuna deyin in maskaxdan cusubee hor fadhida
uu ka shaqaysiiyo.
Waxaynu ardaydu ahayn maskax wax uun lagukaydiyo, laakiin aan
la eegin siday wax u baranayso ama u fahmayso/thecomprehension
process. Waxyaabaha uu macallinkeennu ina weydiin karay waxaa
kamid ah isagoo ogaada aqoonteena subject ka, mala awaalkeena/prediction
intaanla bilaabin akhriska, la faaqido mala awaalka, iyo iyadoo
aakhirka lays barbardhigo doodihii ardayda iyo conclusion/dhamaadka
subject ka.
Waxaan jeclahay inaan ku daro arrimahii iga gaadhay shaqsiyan
markaan qurbahatacliinta u imid. Wuxuu macallinkaygu maalin
I weydiiyey inaan soo akhriyobuug, ka dibna aan review ku sameeyso.
Wuxuu isna mid kale ii diray inaan 3chapter soo akhriyo oo aan
summarize gareeyo oo ka hadlo waxaan akhriyey. Waxaaisla semestarkaa
la doonayey inaan akhris ku sameeyo xiisad joogtay/currentaffair
inaan u ruuriyo oo aan ka dib qaar ka mid ah aan critique ka
qoro.Waxaan si toos ah ugu sheegay macallimiintii inaanan wax
training ah u lahaynhababkan ay igadoonayan oo aan macallinkayga
wuxuu yidhaa, iyo wuxuu qoro uunaan dhigan jiray xafidina jiray.
Lamay yaabin oo qaarkood way la socdeendunida iyo hababkaa waxbarasho.
Waxaa se aniga aad iigu adkaatay isticmaalkaMASKAXDAA aanan
weli sida heerkaa ah aanan u isticmaalin.
Waxay iguna qaadatayin muddo ah inaan ka soo kabto xirfadahaa
aan aqaanay. Waxay arrintanqoraalladan kelida ah ee lagaa doonaayaa
idaba socdeen ilaa Graduate schooladaoo ah iyagu dhaar aan cidiba
wax kuu dhigayn ee aad adiguun aad wax qorayso ooaad doonayso/reseach
isdaba joog ah.
Waxan jeclahay inan ku soo gunaanado taa in ay maskax weliba
ay u baahan tay in laga shaqaysiiyo intay yartay, oo lagu barbaariyo
fekerka, iyo is maamulkeeda.Macallinkaygii qaaliga ahaa wuxuu
illaabay inuu xusuusto inaan maskax leeyahay.Mid wax kaydisa
miisaantana aqoonta ku xeeran. Markaa waa in aynu dhallinteena
uxorreeynaa inay ka doodaan waayaha ku xeeran, una ogolaanaa
inay si xor ah uyidhaahdan siday iyaga latay.
Waxaa iyana loo baahan yahay inaan wax kabeddelno habka wax
dhigista dhulkii ee aan ardaygu macallinka uun sugin, ee uumacallinku
ka shaqeeysiiyo maskadxaa cusub, siiyana/student centered waqti
ayisku weydaarsadaan fikradahooda, soona bandhigaan fikradooda
gaarka ah.
Mohamed Sudi Hassan
Education Analyst
Boston, USA
|