UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

Dufcadii Ugu Horaysay Oo Ka Qalin Jabisay Culuunta Saxaafada AIDAM Institute

 

Shan iyo todbobaatan(75) arday oo dhamaystay barashada culuumta saxaafada kana baranayay machadka AIDAM, ayaa 5-tii September 2006 shahaaooyin lagu gudoon siiyay Hoolka Jaamacada Hargaysa .


Xafladan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka Dib u dejinta Abshir Axmed Xasan, wasuiir ku xigeenka wasaarada cadaalada Yuusuf Ciise Talaabo, gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (shine), faadumo siciid oo ka tirsan haayada UNDP, maamulaka iyo macalimiinta machadka Aidam.

Ugu horayn Waxaa xafladaa hadal ka soo jeediyay wasiirka wasaarada Dib udejinta Md. Abshir Axmed Xasan oo sheegay inuu hambalyo iyo boogaadin u soo jeedinayo maamulka machadka Aidam, waxuu intaa ku daray Md. Abshir inuu ka mid ka ahaa dadkii asaasay machadka Aidam, isagoo sheegay inuu mararna ka noqday maamule , aadna ugu faraxsan yahay inuu ka soo qayb galo xafladan ardayda lagu gudoon siinayo shahaadooyinka, waxaa kaloo wasiirku xusay inay tahay wax lagu farxo inay maanta soo baxaan arday wax ka baratay culuunta saxaafada waana arrina aad ugu muhiim ah saxaafada dalkeena, ugu danabayntii waxa uu wasiirku ardayda u soo jeediyay in ay si daacadnimo iyo dhex dhexaadnimo ku jirto ugu shaqeeyaan culuuunta saxaafada ee ay barteen.

Ardayad ka mid ah Ardayda Qalin-jabisay


Sidoo kale waxaa munaasibadaa khudbad dheer ka soo jeediyay wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada Md: Yuusuf Ciise Talaabo oo sheegay in ay tahay horumar laxaad leh iyo fursad qaaliya in lehelo arday baratay Saxaafada oo cusub, isagoo intaa raaciyay in uu wadankeena daashatay saxaafad carabla oo wasiirku ula jeedo in aanay saxaafada wadankeenu ayna ku dhaqmin sharciyada caalamiga ah loona baahan yahay in aasaas looga dhigo sharciyada saxaafada ee caalamka ka jira si ay saxaafadeenu u noqoto mid la jaan qaadaysa horumarka saaxaafadeed ee caalamka ka socda, ugu danbayntii waxa uu wasiir ku xigeenku aradaydii shahaadooyinka la gudoonsiiyay u soo jeediyay in ay wax ka badalaan qaabka ay u shaqayso saxaafada wadankeenu oo uu xusay in ay u baahan tahay in wax weyn laga badalo.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Buubaa oo munaasibada ka hadlay ayaa xusay in ay guul tahay ardayda ka qalin jabisay culuunta saxaafada si weyna loogu baahnaa, waxa uu intaa ku daray saxaafada dalkeena u baahan tahay In wax kabadal lagu sameeyo si tacaalamka ula mid noqoto, isagoo ardayda kula dardaarmay in ay ka taxa diraan saxaafadu in ay tahay seef laba af leh oo hadba sidii la doono loo isticmaali karo.

Dhanka kale waxaa isna xaflada hadal ka soo jeediyay gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Musatafe Cabdi Ciise (Shiine) oo isagu sheegay in ay farxad gaara ay u tahay ardaydan dhamaysatay Culuunta saxaafada isagoo xusay in saxaafada Somaliland horumar weyn ku talaabsatay gaar ahaan dhanka jaa’idada, waxaa mudane shine xukumada uga codsaday in xayiraada ka qaado in idaacado madax banaan dalka la keeno.

Faysal Maxamed Cabdi (Faysal Fadh-fadhle) oo kamid ahaa macalimiintii ardaydan wax soo bartay ayaa sheegay in ardaydani ay kaga duwan yihiin saxafiyiinta kale in ay xambaarsan yihiin Usluuka iyo Akhlaaqda saxaafadnimo waxa kale oo intaa ku daray in aradaydani ay qaateen shuruucda saxaafada kala duwan, isagoo ugu danbayntii u jeediyay qaybaha kala duwan ee saxaafada in ay fursada ka fa’iidaystaan oo ardaydan shaqaalaysiiyaan.

Ugu danbaytii waxa xaflada ka hadlay maamule ku xigeenka machadka AIDAM axmed biiixi shirdoon oo sheegay in machadka la aasasay 1993-kii waxaana bilaabay aqoonyahano reer Somaliland ah, Md: axmed waxa kale oo uu intaa ku daray in ay aradaydani ay yihiin dufcadii ugu horaysay culuunta saxaafada, waxa kale oo uu sheegay in maxadku bixiyo barashada maamulka, Xisaabaadka, Saxaafada iyo waliba Computerka ugu danbayntii waxa uu maamulu sheegay in maxadku xidhiidh la leeyahay jaamacado kala duwan oo ku yaala Dunida.

Shiine Cilmi Kaahin

Hargeisa


EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network