UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

MAXAA KAA HOR JOOGA TACLIINTA AAD HELI KARTO?

 

Waxaan mawduucan ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah Sababaha ama Cudurdaarrada ka horjoogsada/The Overwhelming Obstacles ardayda inay sii wataan tacliintooda sare, anigoo isticmaalaaya aragtidayda gaaban iyo intaan ka arkayba.

Ardaydaa oo qaar ka mid ah ay ahaan jireen kuwa ugu tacliinta wanaagsanaa waqtigay dugsiyada wadanka dhigan jireen, laakiin uu isbeddelay xawligii iyo xamaasadii ay u qabeen tacliinta markay qurbaha yimaadeen, iyagoo qaar u heleen fursado jaamacadeed, sidoo kalana ay qaar kala nasiibdarro kala kulmeen amaba ay iskood uga hadheen dantii ay u yimaaddeen si ay ka noqotayba.


Waxaan anigu ka mid ahaa ardaydaa jaamacad doonka ahayd ee wadanka mareykanka timid 22 sanadood ka hor.
Aan guud maree waqtigaa dhallinyaradii naga horreeysay waxay badankoodu ahaayeen dad siddayadaa waxbarasho ay keentay. Way yaraayeen dhallinyaro wadankan u timi inay ka shaqaystaan, Waxaanu hadh iyo habeenba doon doonni jirnay informations ka aanu ku gaadhi lahayn dantaa aanu u soconay.


Meel ay labo ku kulantaba waxay is dhaafsan jireen ama hadalkoodu u badnaa sideen jaamacadaa u galaa? iyo maxaa la iiga baahan yahay? Sideen SHARCI u helaa, iyo halkeen summerka/xaggaaga aan ka shaqaystaa? Markaa network aad ayuu nooga dhaxeeyay iskastoo isarragu xaddidnaa oo waqtiyada sida 26ka June aan sugi jirnay, haddana waxaanu badanaaba ku maqnayn oo lagama maarmaan ahayd danta iyo jaamacadda oo la dhameeyo. Waxaa taa noo dheerayd naguna adkayd school fees oo qaarkayo bixin jireen labanlaab.


Iyadoo taasi sidaa u dhacday oo kii dadaalay hawshiisi ka soo baxay kii kalena dhankuu doono u baxay ayaa QABTII 1988ku dhacday oo dad badani wadankii ka soo qaxeen. Waxaannu caawinnay oo waraaqo jaamacadeed/visa u soo saarnay arday badan oo xamar waqtigu ugu dhacay. Waxaan aad ugu hanweynaa ardaydaa oo badankoodu CANADA noo dhaafeen si ay dugsiyo iyo sharciga bilaash ah u helaan.

Wuxuu dardaarran kayagu ahaa TACLIINTA in la sii wado.
Aan soo koobee waxa nasiibdarro noqotay in badanaa maskaxahaa tacliinta u harraaddanaa ay wakhtigoodii qaaliga ahaa ku lumiyeen sheeko fadhi, iyo xageen mijin jaad ah ka helaa? Wallow ay jiraan dad sii watay tacliinta heerna ka gaadhay. Dad badan oo aan xamar ka soo gacan qabtay oo aan waqtigayga qaaliga ah ku lumiyey ayaa ka daalay weydiintayda ah maxaa school u geli weydeen? Iyo sideen idin caawiyaa? Markaanse aad ugu kuur galay waxaan ogaaday oo jawaabtoodu noqotay kuwan;

""QOF WEYN BAAN AHAY IMIKA, KUMAAN FIICNAYN TACLIINTA MARKII HOREBA, U MALAYN MAAYO INAAN DHAMEYN KARO AFAR SANNADOOD IYO GOOGO’, SIDAAN ISUGU WADI KARAA SHAQO IYO SCHOOL? CARRUUR IYO REER BAAN YEESHAY".


Qaar ka mid ah jawaabahoodaa ayaa I xusuusiyey odayaashii iyo islaamahii aan jaamacadda la dhigan jiray da’doodii, iyo hamuuntay tacliinta u hayeen.
Waxaa jirta in dadku markay yara weynaadeen ay rumeystaan inuu fahankoodu iyo kartidoodii waxbarasho ay yaraato. Waxaa kaloo imankarta siyaabo kale oo qofka ka horjoogsada dadaalka lagu yiqiin, waxaana ka mid ah; in qofku ku dhici waayo Dhexgalka bulshadan ku cusub/Lack of Assimilation iyo system kaba, iyo qofka oo ka caajisa helidda informations-ka saxda ah ee loo maro waddadaa, iyo iyadoo aad ka mid noqoto dadka meesha kaaga soo horreeyey, taas oo hoos u ridda hamiggaagi markaad weydo wax subixii kallahayaba, ama school hadal hayaba, ama buug iyo qalin isa saarayaba.


Sidee hadaba qofku kaga badbaadi karaa arrimahan aan tilmaamay?


Isagoo xusuusnaada wacyi geliyana naftiisa awoodda, qiimaha, sharafta, iyo mustaqbalka ay tacliintu leedahay. Waxay tacliintu u baahan tahay SAMIR, taas oo aad midhaheeda gurandoonto waligaaba. Waxay u noqotaa dhaxal naftaada, reerkaaga oo kaaga dayda waddada aad adigu ku aflaxday, kuna barbaarrisay. Aabbaha ama hooyada carruurtoodu ay arkaan iyagoo dedaalayaa, tusaale kale uma baahna.


Bal adigu is bar bar dhig aabbaha carruutiisa dhex fadhiya ee TV ga remote kiisa ay isku haystaan, iyo aabbaha intuu homework kiisa la soo baxo ay sidoo kale carruurtiisu ay kagadaydaan, una arkaan arrin muhiim ah mar haddii aabbahood uu sameeynayo ay tusaale ugufilantay. Tacliintu siday ila tahay waa shayga qudha ee aynu kala tegi karno qurbaha, wax kaloo aad ka heshaa waa wax ku meelgaadha. Waxan jeclahay inaan farro ardaydeena inay ku dadaalan doonista tacliinta, oo ugu yaraan aad baratid xirfad/skill aad ku shaqaysan karto meeshii aad dunidan aad joogtaba, si aad gacantaada biyaha ugu dharagtid, tusaalanaugu noqotid qayrkaa iyo kuwa kaa dambeeya.


Maxaa kaa xiga aqoontaa ama shahaadada?


Waxa kaa xigaa waa dedaal iyo naftoo aad kala ballanto samirka. Sidoo kale adigoo beddela hab nololeed kaaga/life style kaaga, oo u soo jeesta inaad waqtigaaga ku lumin sheeko iyo waxaan meel gaadhayn. Nafkastaa waa inay Himilo/Goal ay leedahay, haddaynaan sidaa yeelin oo aynu kallahno subax walba dee xoolaha waxba ma dhaanno. Dhallinta waxan odhan lahaa bal nin walboow maanta is weydii waa maxay himiladaadu? Xaggeed doonaysaa inaad joogto 5 sannadood maanta ka dib? Ballanteenu waa dhalinta oo dedaasha.
Waxan anigu u diyaar ahay shaqsiyan inaan haggo, caawiyana cid alla cidii doonayso inay school ka bilowdo gaar ahaan USA.

Mohamed Sudi Hassan
Education Analyst
Boston , USA

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network