UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

WHAT IS YOUR LEARNING STYLE ?

QAABKEE AYAAD WAX U BARATAA?

 

Dadku badanaaba waxay wax u bartaan siyaabo kala duwan. Dadka qaar baa wax ku barta akhriska , Kuwa kalena waxay si wanaagsan wax ugu bartaan dhegaysiga.Weli waxay qaar aad wax ugu bartaan daawashada.

Habka waxbarashada/learning style waxaa aan uga jeedaa noocyada kala duwan ee ay dadku u qaataan, u ururiyaan qoraallada, duruusta/informations iyo sida ay u xusuustaan una isticmaalan marka dambe. Habkaa aad wax u barataa waa ka kuu horseeda kuuna micneeya sida ugu habboon ee aad ku gaadhi karto horumarka barnaamijka aad hadba tiigsanayso. Si aad uga faaiidaysato hababkaaga waxbarasho, waa inaad ogaataa nooca ay yihiin.

Waxa inta badan loo qaybiyaa hababka barashada saddex nooc kuwaas oo ardaydu badanaaba ay isticmaalaan waxayna kala yihiin habka Dhagaysiga/Auitory, habka Muuqaalka/Visual, iyo habka Qabashada Gacanta/Tactile/Kinesthetic.

 

Miyaad tahay mid wax ku barta Dhagaysiga/Auditory?

Sida uga wanaagsan ee dadka habkan wax ku bartaa waa marka ay helaaan duruus ku sallaysan hab maqaleed ama dhagaysi ‘auditory language format’. Miyey u eg tahay inaad wax si wacan ugu barato fasallada uu macallinku inta badan hadlo/sharxo iyadoo ay ardayduna ka qaybqaadanayaan doodaha/discussions iyo su’aalaha socda? Miyay ku caawiyaan dhegaysiga cajaladahu? Miyaad mar mar is aragtaa adigoo kor/cod dheer ku dhawaaqaaya si aad u xusuusato ama aad u fahanto deriska? Hadday HAA tahay jawaabtu, haddaba waxaa hubaal ah inaad tahay dhegaysi wax ku barte/Auditory learner.


Miyaad tahay mid wax ku barta Muuqaalka/Visual?

Sida ugu wanaagsan ee dadka qaybtan muuqaalka wax ku bartaa waa marka ay helaan duruus qoraal/written language format, ama mid muuqaal sida sawirrada iyo shaxannada. Miyaad si wanaagsan wax ugu barataa marka macallinku uu sabuurrada uu qoraal badan ku qoro, siiyana ardayda warqado/handouts si bayaan ah u qoran, isagoo isla markaa isticmaalaya mishiinnada muuqaalka/overhead projectors? Miyaad isku daydaa inaad ku sawirtid maskaxdaada muuqaallada aad baranayso ama aad arkayso? Miyaad qorotaa/note taking duruusta aad ku aragto buugga maadada/textbook markaad fasalka joogto? Hadday HAA tahay jawaabtu, waxaa hubaal ah inaad muuqaalka aad jeceshay inaad wax ku barato/Visual Learner.

Miyaad wax ku rataa habka Qabashada/Tactile?

Dadka qaybtan qabashadu waxay aad wax u bartaan marka ay gacantooda isticmaalaan/physical minupulation. Miyaad wax fahantaa markaad farsamo ahaan wax dhaqaajiso, ama aad gacanta ka shaqaysiiso? Miyaad ku wanaagsan tahay fasallada shaqada laabka/laboratory leh sida fasallada sayniska? Aad miyaad wax u fahantaa markaad walax/object aad gacantaada ku haysid halkii aad sawir ku arki lahayd, ama afka lagaaga sheegi lahaa? Hadday jawaabtu HAA tahay, waxaa hubaal ah inaad wax Qabashada aad si wanaagsan wax ugu barato/Tacticle learner. Habkaaga waxbarsho waa ka keliya ee aad si wacan aad wax ugu baran karto. Markaad dooranayso fasal doon mid ayku badantay sifahaaga habka waxbarasho. Mar walbood ka fakarayso doorashada xirfaddaada mustaqbalka/major ka aad baranayso, xusuusnow habkaagaa, taasi waxay kuu sahli doontaa gaadhista himiladaada shaqsiyeed.

Mohamed Sudi Hassan
Education Analyst
Boston , USA

 

EDUCATION ARTICLES

ARRIMAHA BULSHADA