|
Madaxweyne ku-xigeenka
jamhuuriyada Somaliland Axmed Yuusuf yaasiin ayaa maanta shahaadooyin
gudoonsiiyey Dufcadii saddexaad ee ka qalin-jabisay Jaamacada
Hargeysa, Dufcadan oo dhameyd 75 Arday waxay dhameysteen labada
Kuliyadood Ganacsiga iyo Sharciga ee Jaamacada Hargeysa.
Munaasibadii loo sameeyey xaflada qalinjabinta ee dufcada sadexaad
ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyada
Somaliland Md, Axmed Yuusuf Yaasin, Gudoomiyaha Golaha wakiilada
C/raxmaan Maxmed C/laahi (C/raxmaan Cirro), Gudoomiyaha Xisbiga
UCID Fysal Cali waraabe, Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha
wakiilada C/casiis Maxamed Samaale, wasiirka hawlaha Guud, Siciid
Sulub Maxamed, wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe),
wasiir ku xigeenka waxbarashada Axmed Cali Madar, maamulka jaamacada
hargeysa iyo xildhibaano walidiin, iyo marti shafar kale oo
tiro badan.
Waxa halkaasi ugu horeyba waxa gudoomiyaha jaamacada hargeysa
C/haybe Cilmi Warsame tilmaamay ardayda dhigata jamaca hargeysi
ay dhan yihiin 1600 oo arday, oo tirade habluhu yihiin 393 hablood,
Waxaanu sheegay ardeyda ka qalinjabisay maanta ay dhan yihiin
75 ardey oo ka qalin jabiyey shuruucda iyo ganacsiga, iyadoo
48 arey oo ka mid ahi ay barteen maamulka aiyo maareynta, halka
ay 27 ardeyna ay barteen cilmiga sharciga.
Gudoomiyaha Jaamacada hargeysa waxa uu sheegay inay sanadkan
markii u horeysay ay ardeyi ka qalin jabisay kuliyada sharciga,
oo ka mid ah qeybaha ugu muhiinsan ee laga barto jaamacada Hargeysa
Waxa isna halkaasi ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka somaliland
Md, Axmed Yuusuf Yaasiin hanbalyey ardeydii ka qalinjabisay
jaamacada Hargeysa, isagoo salaana u soo jeediyey shirgudoonka
Golaha wakiilada, Xisbiyada , Golaha wasiirada iyo bulsha weynta
iyo ardeyda ka soo qeybgashay xaflada qalin jabinta.
Waxa uu Madaxweyne kuxigeenku sheegay mar uu ka hadlayey baahida
loo qabo inay soo baxaan jiil aqoon leh waxa uu yidhi “
Ardeydan ugu horeysay ee dhameysatay sharciga waxay ahaayeen
qaar loo baahna, waayo Somaliland sharci yaqaankeedu uu yaraa,
waxaan xasuusutaa mar la isla lahaa isku shaandheyn ku sameeya
garsoorayaasha in la waayey cid lagu bedelo, waxaan ka mid ahaa
(Madaxweyne kuxigeenka) ardeydii fdhiday class-kii kan ka horeeyey
, waana xaaraan inaan ka maqnaado Maantaa(Qalinjabinta), Aniguna
meesha ka dhigi mayo masrax siyaasadeed”Ayuu yidhi Madaxweyne
kuxigeenka Somaliland.
Madaxweyne kuxigeenku waxa uu tilmaamay inay rag u hanqaltaagayaan
muqdisho, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “
Maanta rag leh wadaadiin ayaan nahay oo diin ayaan wadnaa ayaa
u hanqal taagaya Koonfur, caadifad ku noqon mayno, caadifad
waa tii 1960-kii ina hoday” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf
Maaha inagoo calankeena ay ku qoran tahay tawxiidku inaan nidhaahno
(Somaliland), waxaan daba galaynaa maxaakiimta “Haday
tahay cili iyo diinba, inaga ayaa geynay koonfur 1960-kii maaha
maanta inagoo wada calankeenii oo ay ku qoran tahay tawxiidku,
inaynu nidhaahno maxaakiinta (Muqdisho), ayeynu daba galaynaa
bustaha iska qaada oo way joogaan dhalinyadii 1960-kii”Ayuu
yidhi
Waxa uu carabka ku adkeeyey inaan la arag masaajid laga leeyahay
Somaliland waa muqadas, waxaanu yidhi “ Arki maysid masaajid
laga leeyahay Somaliland waa muqadas, waar meesha maxaa ku jiraa,
ha laga baxo huurka, oo ninka masaajid ka iimaankii xaqa ha
ku adimo, calankan(Somaliland) calan kale aan la hoosgayn, waayo
waa habeenkii xalay oo tagey, ninwaloowba quuso, laakin kiina
dabao gelayaa waa yeelkii, in yar oo caadifada in halkaa (Muqdisho)
loogu shubo, waar koonfur 15 sanadood ayey dawlad la’ayd,
oo halkaynu (Somaliland) mareynay 1991 ayey marayaan, markay
15 sanadood is xukumaan markaa calalaheeda”Ayuu yidhi
Waxa uu si kuluul carabka ugu adkeyey raga ka yimi dibada Finland
iyo Mareykanka, ee doonaya iney la mid noqdaan ragii 300 sanadood
joogay inaanay ahayn qaar habeen jirey,
Waxa isna halkasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka
ee UCID faysal Cali waraabe uu mahad naq balaadhan u jeediyay
dufcadii 3-aad ee ka qalinjabisay jaamacada hargeisa iyo dhamaanba
haayadihii gacanta ka geystay.
Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa tilmaamay inaanay madaxweynaha
iyo ku xigeenkiisu inaanay meelaha privet-ka ee aaanay lugta
kulahay inaanay iman, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi
“ Halkan (jaaamacada Hargeysa) madaxweynuhu kama muuqdo,
waaanan soo dhaweynayaa, waxaaanan kula talinayaa (Rayaale)iyo
ku xigeenkiisu meelaha aanay gacanta ku lahayn,sida waxa ay
sameystaan NGO-daiyo Privat–ku inaaanay iman oo ay ku
dadaalaan inay wax sameeyaan kuwa (jaamacada) oo aan ka qeyb
galno”Ayuu ydhi Faysal Cali waraabe
Mar uu gudoomiyaha Xisbiga UCID ka hadlayey shaqo la’aanta
ku timaada ardeyda Somaliland Markey jaamacadaha dhameystaan,
iyo dhiibatada ay u horseedo ee loo baahan yahay in laga hortago,
isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Waxa Nasiib
darro ah in ardeyda maanta halkan(jaamacada) ka qalin-jabisay,
aanay jirinj meel ay shaqo ka helaan oo ay shaqadoodu tahay
Zero, waxaanan kula dardaarmayaa inaanay doonyaha raacin oo
aanay dhiman, ee ay sabraan, xukuumaduna u hawlgasho sidii shaqo
loogu heli lahaa, waxaanan ogahay inay ardey badan iyo dhalinyaro
reer Somaliland ahi ay ku halaagmeen badaha , waxaad BBC-da
ka maqashaan ee looma ooyaankii waa da’yarteeni iyo dadkeeni
ee ogaada, waxaanan leeyahay ha raacina wadadaa ee samra! Samra!samra!”Ayuu
yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID.
Mar uu ka hadlayey Faysal Cali waraabe Qorshayaasha la gudboon
inay xukuumadu u sameyso waxa uu yidhi “Waan in ardeyda
dhameysata jaamacadaha loo sameeyo qorshe xukuumaduna la timaado
siyaasad lagu shaqaaleeyo,si looga hortago dhibaatooyin badan,
oo da’yarteena aqoonyahanka ah la soo dersi karta”Ayuu
yidhi Gudoomiye Faysal.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID, waxyaabaha shaqo la’aanta sababay
ee horseedaya shaqo la’aanta ba’an ee wadanka ka
jirta ay masuul ka tahay miisaaniyada wadanka oo lagu siidaayey
dad aan cilmi u lahayn “ Haddii aynu ku sii daynay miisaaniyada
dad aan cilmi lahayn, oo aan iimaan lahayn, waxay la mid tahay
qof inta uu joonyad biriisa soo qaatay oo jiir meel kula xareeyey,
sow jiirku wada cunimaayo, waa in jiirkaa laga ilaaliyaa xukuumaduna
waxay shaqo ku abuuri kartaa, Markey miisaaniyadeena hagaajino”Ayuu
yidhi
Faysal waxa uu tilmaamay tacliinta aynu baranaynaa inaanay
noqon mid ay fursad u helaan dadka wax haystaa uun, isagoo ariintaa
ka hadlaya waxa uu yidhi “ Waa in waxbarashada la tayeeyaa,
oo inta ay xukuumadu hayso ku filaantaa, si ay caruurtu waxbarasho
wanaagsan u helaan mid lacag haysta iyo mid kaleba, maaha inuu
ardeygii wax haystay inuu galo iskuul Private, kii miskiinka
ahaana uu galo iskuul uu macalinkiisii waxba qaadan oo aanay
tamaashiir iyo buugaag”Ayuu yidhi Gudoomiyaga Xisbiga
UCID.
Isaoo hadalkiisa sii watada waxa uu intaa raaciyey oo uuu yidhi
marka aanu isnidhaahno wax hagaajiya, waa lana caayayaa (Xukuumada),
markaa cayda ha la joojiyo oo wax ha la saxo,
Mar uu ka hadlayey xaalada Geeska Afrika kataagan inaynaan
dhegaha ka fureysan, isago arrintaa ka hadlayanwaxa uu yidhi
“Waxa aad ogtihiin waxa ka socda geeska Afrika shalay
hub ayaa la dejiyey Garooew, maalin horena Muqdisho ayaa la
dejiyey , maaha inaynu dhegaha ka fureysano, oo waxaas oo dhan
inaga ayey inagu soo socdaan, waxaynu nahay dad isku Afa, isku
diina, laakiin dalka waa lakala leeyey, Somaliland-na inaga
ayaa leh, cid aan u dhalan Somaliland inoogu iman mayso, inaga(dadka
reer Somaliland) ayuu ilaahay inoo abuurey, oo inaga ayaa xukumidoona
haduu alle yidhaahdo, AMA KHAMIIS HA SOO XIDHO AMA KOOFIYAD,
waa inaynu fejignaana ee maaha inaynu iska fadh-fadhino oo aynu
dadkeena koontiidhar ku xidhxidhno, waynu ka bixi koontiidharka
oo umada ayeynu noqon”Ayuu yidhi Faysal Cali waraabe.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada
iyo labadii ardey ee ugu kala sareeyey labada kuliyadood.



News Source : Hadhwanaag News Network
Photo : Jamaal Ibrahim Maxamed
jamaal@somalilandedu.com
Somaliland Education Network
Hargeysa
|