UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

Arday Reer Somaliland ah oo ka qalin-jabiyay Jaamacadaha India

 

Xaflad heersare ah oo lagu sii sagootinayay ardayda reer Somaliland ee waxbarashadoodii heerka jaamacadeed ka dhamaysatay Dalka India ayaa lagu qabtay magaalada Aurangabad ee Gobalka Maharashtra.


Xafaladan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socota jaamacada BAMU University ee ay ardaydani ka qalin jabiyeen, masuuliyiintaas oo ay horkacaysay gabadha u qaabilsan jaamacada BAMU qaybta foreign-ka (Dean of foreign students in BAMU university Dr. Mrs. Mobel fernandes) maamulayasha college-yada,dhamaan ardayda ajaanibka ah ee wax-ka barta magaalada iyo ardayda Qalinjabinaysay, xafladan oo ku bilaabantay jawi aad u dagan laguna soo bandhigay Astaamaha somaliland, sida calanka iyo halku dhagyo kale.


Hadal soo dhawayn iyo mahad naq isugu jira ayaa waxaa xaflada ku bilaabay labada inan ee aadka iskugu hawlay in ay xafladani qabsoonto Mohamed Abdiaziz Tahir iyo Mohamed Ali Abdulah).

Guddida Qaban-qaabada Xaflada(Ka bilow bidix :Mohamed Ali Abdillahi, Mohamed Abdi-Aziz Tahir)



Intaas ka dibna waxa hadalka lagu soo dhaweeyay
Mr Mubarik Muuse Du'ale oo u hadlay ardayda qalinjabinaysa waxa uu aad ugu dheeraday inuu ka hadlo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen intii ay ku jireen halgankooda waxbarasho ee marxalada degree-ga , isaga oo aad u iftiimiyay qiimaha ay waxbarashadu u leedahay guud ahaan bini aadamka waxaanu kula dardaarmay dhalinyarta wax ka barta magaalada Aurangabad in ay ilaashadaan wakhtigooga (time management) ugu dambayntii waxa uu sigaara uga codsaday Mrs. Farnandes (Dean of foreign students) in ay u fududayso ardayda ajaanibka ah wixii ay uga baahdaan jaamacada sida in la soo koobo mudada qaadashada shahaadada oo muddo billo ah la sugo marka ardaygu dhamaysto waxbarashadiisa jaamacadeed.

Mubarik Muse Du'ale

Intaas ka dib waxa hadalka la wareegay Mr Robert Kakoi oo ku hadlay magaca dhamaan ardayda ajaanibka ah ee ka soo qayb galay xaflada Mr.Robert waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xaflada kala soo qayb galo ardayda reer Somaliland ee wax barashadooda heerka jaamacadeed ka dhamaystay magaalada Aurangabad intaas ka dib waxa cod-tabiyaha microphone-ka si diiran loogu soo dhaweeyey Dean of foreign students in BAMU university Dr.Mrs Mobel Fernandes waxay hadalkeedii ku bilowday iyada oo muujinaysa dareenkeeda farxadeed ee ku wajahan ka soo qayb galka xafladan waxaynay tidhi “waa markii iigu horaysay ee number intaa la’eg oo arday ajaanib ah aan xaflad la qaato taasina waxay ii samaynaysa farxad gaara” Mrs. fernandes oo hadalkeedii sii wadata ayaa aad ugu boorisay ardayda in ay ka midho dhaliyaan ujeedadii ay ugu soo safreen masaafado aad ka u dheer iyadoo ku tilmaantay dalka India in uu yahay dal soo dhawayn leh isla markaasna ay ardayda ajaanibka ah ay ka heli karaan aqoon kasta oo ay u baahdaan Mrs.fernandes ugu danbayn waxay ardayda ajaanibka ah ka codsatay in ay la shaqeeyaan madaxda jaamacada gaar ahaan qaybta foreign students-ka ee ay iyadu madaxa u tahay waxaanay balan qaaday in wixii dhaliil ah ee loo soo jeediayay in ay u gudbin doonto madaxda kale ee jaamacada waxna ka qaban doonaan

Dr.Mrs Mobel Fernandes oo shahaado gudoonsinaysa mid ka mid ah Ardayda


intaas ka dibna Mrs fernandes waxa ay gudoonsiisay arday walba oo ka mid ahaa ardayda qalin-jabinaysay (Graduation certificate) oo ay soo diyaariyeen ardayda soo qaban qaabiyay xaflada , sidoo kale waxa xaflada lagu dhex qaybiyay Magazines ay ku qoran yihiin macluumad ku saabsan ardayda qalinjabinaysay, ugu danbayntiina waxa lagu soo gaba-gabeeyey xafladan oo ka dhacday Tapadia Function hall oo ku yaala badhtamaha magaalada Aurangabad, Masrixiyad faneed ay soo bandhigeen qaar ka mida ardayda reer Somaliland taasi oo ka turjumaysay xaalada dhabta ah ee ku xeeran ardayda reer Somaliland ee wax barashada u jooga dal waynaha India .

Naadiga Ardayda reer Somaliland ee magaalada Aurangabad (India)


Sidoo kale waxa xaflada qayb ka ahaa Cup loo qabtay sagootiga ardayda taasi oo Naadiga Reer Somaliland ay ciyaar la yeesheen Milan boys oo ah horyaalka naadiyada heerka koowaad ee ka dhisan magaalada Aurangabad ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa half kii hore 1:0 ay ku hogaaminayeen naadiga Somaliland hasa yeeshe half-kii danbe ee ciyaarta ayaad moodaysay in naadiga Milan boys ay wax ka badalen shaxdoodii hore ee ciyaarta taas oo suurto galisay in ay ciyaartu kusoo gaba gabowdo 2:2 ugu danbayntiina waxa la dhigay Panelties ama Rigoodhayaal waxaana halkaas Cup-kii ku hantiyay naadiga Milan boys oo ku badiyay rigoodhayaal halka Naadiga Somaliland la gudoonsiyay bilado.

Ugu dambayntii run ahaantii ardayda reer Somaliland ee Magaalada Aurangabad waxa ay muujiyeen isku duubnaan iyo midnimo taas oo suurto galisay in ay qabsoonto xafladan waxaanay tusaale fiican oo ku dayasho mudan u noqonaysaa ardayda kale ee reer Somaliland ee ku sugan gobolada kale ee dalka India.
waa markii ugu horaysay ee tiro aad u badan ka dhamaystaan Magaalada Aurangabad waxbarashadoodii heerka jamacadeed, Magaaladan Aurangabad oo ah magaalo Aad ugu fiican xaga waxbarasho, Ardayda joogtana ay masuuliyad aad u weyn iska saareen waajibadkoodii waxbarasho ee ay u yimaadeen wadanka India.



MAGACAYADA ARDAYDA QALIN-JABISAY
Fu'ad Mohamed Jama Becholar of Computer Application (BCA)
Mohamed Ali Abdulahi
Becholar of Computer Application (BCA) and diploma of international Accounting package
Abdiaziz Farah Jama Becholar of Computer Application (BCA)
Hassan Mohamed Abdulahi Becholar of Computer Application (BCA)
Mukhtar Muhumed Abdi Becholar of Computer Application(BCA) and Diploma of United Nations and International Understanding
Abdiaziz Abdulahi Omar Becholar of Computer Application (BCA)
Nasir Osman Aw Muhumed Becholar of Business Administration(BBA)
Mustapha Jama H. Muhumed Becholar of Business Administration (BBA) and Diploma of Microsoft Certified Systems Engineering (MCSE)
Yassin Mohamed Abdulahi Becholar of Business Administration(BBA)
Ahmed Jama Nour Becholar of Business Administration(BBA) and Diploma of United Nations and International Understanding
Abas Ali Abdilahi Becholar of Business Administration(BBA)
Mubarik Mouse Du'ale Becholar of Business Administration(BBA)
Guled Omar Ibrahim Becholar of computer sceince (B.Sc.)
Fowsi Ahmed Mohamed Diploma of Computer Accounting

Waxaa soo diyaariyay
Mohamed Abdiaziz Tahir
Deparment of sceince and information technology
BAMU University
and Mohamed Ali Abdilahi
Deparment of sceince and management
BAMU University
Aurangabad ( India)

 

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA