UNIVERSITIES

UNIVERSITY OF HARGEISA

AMOUD UNIVERSITY

BURCO UNIVERSITY

GOLLIS COLLEGE

RADIO & TV

RADIO SIMBA

RADIO HARGEISA

TV SOMALILAND EUROPE

 

TV SOM(DENMARK)

 

Radio Shabelle

 

 

RADIO GOLIS

 

 

BBC SOMALI(11 GMT)

BBC SOMALI(2 GMT)

BBC SOMALI(6 GMT)

 

 

RADIO DALMAR

RADIO WARSAN

RADIO BANAADIR

HORN AFRIK RADIO & TV

 

NEWSPAPERS

 

GEESKA AFRIKA

JAMHUURIYA

HAATUF

 

 

SOMALILAND LINKS

 

HADHWANAAG NEWS

 

QARAN NEWS

 

SOMALILAND EDUCATION NETWORK

 

 

TOGDHEER NEWS


SOMALILAND EMBASSY

 

 

SOMALILAND TECHNOLOGY CENTER

 

 

UNIECO CONSTRUCTION COMPANY

 

 

SAAXIL NEWS

 

 

SOMALI LINKS

 

WAAGA CUSUB

 

SOMALIWEYN

 

QAADISIYA

 

SOMALI TALK

 

DAYNIILE

 

HIIRAAN ONLINE

 

 

SIDEED U NOQON KARTAA QOF FARXAD BADAN ?

 

Akhriste waa maqaalkeenii xiisaha badnaa ....

101- ogow in dadku qofka aad u dhex gala ay duleeyaan,qofka wax siin waayana ay u cadhoodaan,qofka u dulqaatana ay weyneeyaan,qofka u baahdana ay u cadhoodaan .
102- ha ilaawin kelmada(Xasbuna laah wa nicmal wakiil),waxay bakhtiisaa dhimbiilaha murugada.
103- iska ilaali muranka ma dhaleyska ah,saaxiibka doqonka ah.


104- isku day inaad ka tagto khilaafka,ka dheerow faanka,ka nabad gal beenta,ka raali noqo qadarka alle,kana haajir xasadka.

105- murugada waxaa sabab u ah ado ka jeesta alle,aduuna daba carar.

106- qofka sooma cuntadiisa ayaa u wanagsaata,qofka cibaado u kac habeenkii hurdadiisa ayaa u wanaagsanaata,qofka deeqsi noqdana amaantiisa ayaa badata,qofka madax noqdana xasadkiisa ayaa bata.

107- ogow in risiqaagu ku daba socdo sida hadhka oo kale mana dhimaneysid ilaa aad risiqaaga dhameysato.

108- ku gaadhi maysid raaxo dedaal waxaan ahayn,kuna heli meysid mid ku jecel edeb waxaan ahayn.

109- ha damaaciyin wax kasta oo aad maqasho,hana aaminin saaxiib kasta,sirtaadana ha u sheegin dumar,hana daba gelin wax kasta oo aad niyeyeso.

110- maalmaha waxaa ugu wanaagsan kuwa dulqaad kuu kordhiya,aqoon kuu siyaadiya,denbina kaa hor joogsada.

111- noloshu waa fursad aynaan garaneyn ilaa aynu weyno,caafimaadkuna wa taaj saran madaxa dadka caafimaadka qaba oo ay arkayaan kuwa xanuunsanayaa oo keliya.

112- ogow in Alle xaq kugu leeyahay,naftaaduna xaq kugu leedahay,ishaaduna xaq kugu leedahay,xaaskaaguna xaq kugu leeyahay,martidaaduna xaq kugu leedahay,mid kasta oo xaq kugu leh sii xaqiisa.

113- ku dedaal kalaahada(jarmaadad)wasxay leedahay barako badan.

114- maalkaaga waxaa ugu kheyr badan inta aad ku intifaacsato,cilmigaagana waxaa ugu wanaagsan ka kor kuu qaada,saaxiibnawaxaa ugu wanaagsan ka kula taliya ee ku waaniya.

115- ogow hadii aanay jirin cid ku xaasidaa wanaag ma lihid,hadii aadan saaxiib lahayna dabeecad ma lihid,hadii aadan diin lahayna mabda ma lihid.

116- cayilnaanta(baruurta)badani waxay keentaa moogaanaan,dherega badanina wuxuu keenaa maskax yari,hurdada badanina waxay keentaa guul darro,qosolka badanina qalbiguu dilaa,shakiguna waa cadaab.

117- addunyada waxaayaaba ugu macaan waxaa ka mida ado safar la gala qof aad jeceshahay,kana fogaada qof aad necebtahay ,kana nabad gala mid ku dhibay.

118.- aduunka oo lagu farxo waa farxada caruurta,amaanta fiican oo lagu farxo waa farxada rag,Alle agtiisa waxa yaala oo lagu farxaana waa farxada dadka wan-wanaagsan.

119- runtu waa xisilitaan,beentuna wa shaki,xishoodkuna waa gashaan,cilmiguna waa xujo,hadaka cadina waa qurux,aamusnaantuna waa xikmad.

120- qofka wanaagsani waa ka ku cibro qaata qayrkii.

121- daqiiqad aad murugootaa waxay la dherer tahay maalin dhan,maalin aad faraxdaana waxay la dherer tahay daqiiqad,habeenka farxaduna wuu gaabanayahay,habeenka murugaduna wuu dheeryahay.

122- biyo ha cabin ilaa aad haraado,waxna ha cunin ilaa aad gaajooto,hana seexanilaa aad daasho.

123- wanaag waxaa iska leh qofka Alle u nimceeyo ee mahad naqa,marka la imtixaamona samra,markuu debi sameeyana denbi dhaaf dalba,markuu cadhoodan dulqaad sameeya,markuu wax xukumaayona cadaalad sameeya.

124- adduunyada janoo ayaa ah qofkaan gelina jannada aakhiro ma galo,waana xuska alle,adeecidiisa,jacaylkiisa iyo weheshadiisa.

125- wanaaji camalkaaga ku foof arrimahaaga,hayso carbakaaga.

126- Alle wuxuu la jiraa kuwa ka cabsada,cadawga ayuu ka celiyaa, dhibta ayuu ka ilaaliyaa,xanuunkana wuu ka bogsiiyaa.

127- ha murugon Allaa inala jiree,wuu ina arkaa,hadelkeena ayuu maqlaa,cadawgeena ayuu inooga hiiliyaa.

128- kabtanka doontu markuu cabsado wuxu yidhaa “yaa Allaah”, ka lumay markuu jidka waayo wuxuu yidha “yaa Allaah”,ka xanuunsanayaa wuxuu yidhaa “yaa Allaah”,maxaa aidga kuu diiday inaad tidhaa “yaa Allaah”.

129- ka faqiirka ahow iska samri,waxaad ka nabad gashay inaad xoolo ilaaliso,ku dedaasho xoolo ururis,iyo xisaabtan dheer oo Alle kula galo.

130- kan indhaha la,aw ku bushaareyso janno laguu siiyo abaal marin indhaha aad weyday awgood,ogowna inaad ka nabad gashay inaad aragto munkaraadka.

131- maxaad ugu fikireysaa waxa aanad haynin,o aad ugu mahad naqi la,dahay waxaad hasyo,maxaad u ilaaweysaa nimcadaad hayso ee aa u raadineysaa mid kaa maqan,maxaad dadka u xaasideysaa ee aad u eegi la,dahay waxaad haysato.

132- ku noqo aduunka mid safar,inyar oo raati ah,kabasho biyo ah iyo go,sita,ayaamuhu waa yaryihiin habeenaduna waa tirsanyihiin dabadeed caalamku wuu dhamaanayaa qabrigana kii taajirka ahaa iyo kii faqiirka ahaa waa isku mid

133- ogow in boqorka lagu ag aaso shaqaalihiisa,madaxweynahana ilaaliyiisa,gabayaaga caaka ahna lagu ag aaso faqiir caajislow ah,balse qabriga gudihiisa ay yaalaan camalo kala duwan iyo darajooyin kala sareeya.

134 maalinta qorax cusubi kuu soo baxdo ku dheh soo dhowow matiyahay,wanaaji maritinimadeeda ado gudanaaya waajib,towbad la imanayaa, ha ku sagootin maalintaas denbiyo iyo murugo waayo soo noqon meyso.

135- noloshu way gaabantahay haku sii gaabin murugo,saaxiibadu waa yaryihiin ha ku lumin canaan,cadowguna waa badanyahay ha ku sii badin macaamilxumo.

136- samirka kala mid noqo qudhaanjada,geedka 100 jeer bay kortaa oo hadan ka soo dhacdaa,kamana daasho ee way ku noqotaa.

137- la mid noqo shinida waxay cuntaa ubax,waxaanay dhashaa malab.

138- malaa,iigtu ma gasho guri ay joogto ey,farxaduna ma gasho qalbi ay joogaan shahwado been.

139- iska ilaali meelaha lagu murmo,diinta ayaa lagu iibiyaa qiimo jaban,dadnimadana waa lagu dhaawacaa,nasbkana waa lagu tuntaa.

140- cayda qofka guuleysta ay caayaan kuwa xaasidinta ahi waxay ka dhiganahay iyagoo u riday madaafiicdii hambalyada,kuna dhawaaqay guushiisa.

141- rayigaaga ku xaaji la tashi waayo hal ra,yi waxaa ka wanaagsan laba ra,yi.

142- ha u qaadan dhaliil kasta oo laguu soo jeediyo cadaawad.

143- wadado aad raacdo waxaa ugu sharaf badan ta aad masaajidka u marto,wado aad marto waxaa ugu aaminsan ta aad gurigaaga u marto,meel aad istaagto waxaa ugu adag inaad nin madaxa hor istaagto.

144- akhlaaqada wanaagsan iyo dabeecada fiican ayaa ka qurux badan quruxda wejiga iyo dharka waayo waxba ma tarto qurxda qaabka ahi.

145- ka indhaha la wuxuu tabaniyaa(jecleystaa)inuu maruun wax arko,ka dhegha la,na wuxuu tabaniyaa inuu mar uun wax maqlo,ka curyaanka ahina wuxuu jecleystaa inuu mar uun talaabsado, adna waxbaad maqleysaa,arkeysaa,oo waad soconeysaa hadana waad murugooneysaa!!!!!!!!!!!

146- ha u malayn in nolosha qofna loo dhameystiray ka guriga haystaa gaadhi ma haysto ,ka xaaska haystaa shaqo ma haystoo,ka aamateed hayaa waxa uucuno ma hayst,ka waxa uu cuno haystaana cuntadiiba waa loo diiday.

147- dadka ha ka doonin inay ku ixtiraamaan ilaa aad ixtiraamto hana ku canaan guuldarada kugu dhacday adiga isku canaano,hadii aad doonto dadku inay ku karaameeyaana horta adigu karaamee.

148- shimirka cuntadiisa looguma keeno buulkiisa,libaaxa cuntadiisa looguma keeno godkiisa,qudhaanjada laguma siiyo cuntadeeda halkay degentahay balse dhamaantood way raadsadaan,adiguna u raadso siday u raadsadaan waxaad u heli siday u heleen.

149- hadii aduunka aad ka heli weydo maxkamad cadaalad ah,dacwadaada u dhigo aakhiro ,markhaatiyadu waa malaa,iig dacwadu waa qorantahay garsooruhuna waa ka ugu garsoorka fiican kuwa wax garsoora.

 

Ahmed Mohamed Muse

Hargeysa

EDUCATION ARTICLES

JAALIYADAHA

SHEEKOOYINKA

© 2005-2008: All rights reserved to Somaliland Education Network