Login
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
Student
|
38.103.63.18
|
|
Users Online
|
Guests Online: 2
No Members Online
Registered Members: 21
Newest Member: shirwac142
|
|
Last Seen Users
|
|
|
|
|
| 80 Hablood oo Aqoon isweydaarsi dhinaca Diinta ah loogu soo Xidhay Hargeysa |
 Hargeysa(SEN)--Ururka haweenka ee Gudoon ayaa manta aqoon isweydaarsi socday mudo lix casho ah ugu soo xidhay sideetan hablood oo ka rirsanaa ardaydii dhamaysata fasalada afraad ee dugsiyada sare ee sanadkan Xarunta Dugsiga H/dhexe ee Nuur AL Hudaa.Mudadaii uu aqoon isweydaarsigani socday waxa ay ka soo qayb-galaayaashu ku qaateen casharo ku saabsan taariikhda islaamka iyo sidii dhalinyaradu kaalin weyn uga qaadan lahaayeen ku dhaqanka iyo ilaalinta Diinta Islaamka.xidhitaankii siminaarkan waxaa ka hadashay Faadumo Nuur Maxamed oo ku hadlaysa magaca ururka Gudoon |
ahmed on July 05 2008 17:36:51 ·
Read More · 40 Reads
·
|
|
| Xaflad ballaadhan oo lagu soo bandhigay buug suugaaneed magaciisa la yidhaahdo HILIN HAYAAN oo Hargeysa lagu qabtay |
 Hargeysa--Xaflad ballaadhan oo lagu soo bandhigay buug suugaaneed magaciisa la yidhaahdo HILIN HAYAAN oo uu qoray Abwaanka caanka ah ee Cabdi Muxumed Amiin ayaa xalay lagu qabtay hotel Maansoor Hargeysa.Xafladan oo ay soo qaban qaabisay dallada dhalinyarada ee Somaliland SONYO waxaa kasoo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada C/casiis Maxamed Samaale, wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta, Abwaano, Gudoomiyaha Dalada SONYO Mohamed Yusuf Aw Cali (Culimo) |
deeqa on July 05 2008 16:22:39 ·
Read More · 36 Reads
·
|
|
| HAMBALYO MEHERKA SHEKH HASSAN AHMED YUSUF IYO FAADUMO HARUUN |
Dhamaan asxaabta hoos kuqoran oo kala jooga Malaysia iyo Somaliland waxay hambalyo udirayaan Shekh Hassan Ahmed Yusuf iyo Fadumo Haaruun oo meherkooda iyo aqalgalkooduba kadhacay Oslo Norway 26 June 2008. |
deeqa on July 05 2008 16:16:13 ·
Read More · 12 Reads
·
|
|
| Shabakada Somalilandedu Oo Shahaado Sharaf Gudonsiisey Masuuliyiin Ka qayb Qaatey Horumarinta Waxbarashada Iyo Caafimaadka (Daawo Sawirada) |
 Malaysia(SEN) Masuuliyiinta Shabakada Somaliland Education Network oo dhawaan booqasho ku tagay dalkii hooyo ee Somaliland ayaa si weyn uugu kuurgalay horumarka dhinaca arimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada. Waxaaney Shahaado sharafyo Gudoonsiyeen Masuuliyiin kala duwan oo gacan weyn ka geystay taabagalka iyo hanaqaadka Waxbarashada iyo Caafimaadka dalka. Masuuliyiinta Shabakadu xustey waxa kamid ah:-
|
ahmed on July 05 2008 14:07:28 ·
Read More · 94 Reads
·
|
|
| Wasaaradda Waxbarashada oo 13 Dugsi Sare kala Wareegtay Hay’adda AET |
 Hargeysa - Wasaaradda Tacliinta Somaliland, ayaa 13 dugsi oo loogu talogalay waxbarashada sare kala wareegtay hay’adaha samafalka caalamiga ah ee AET iyo DRC, kuwaas oo badhkood yihiin dhismayaal cusub, halka kuwo kalena lagu sameeyey dib-u-habayn isugu jirta dayactir dayrarka, daaqadaha iyo laybareeriyo loo dhisay. Dugsiyadan oo ku kala yaal dhammaan lixda gobol ee dalka, waxa maalgelisay hay’adda dhinaca waxbarashada ee AET (African Education Trust), waxaana hirgelisay dhismahooda hay’adda kale ee DRC. Hawsha dhisida iyo dib u haybaynta dugsiyadani waxay socotay muddo hal sanno ah. |
abdi on July 04 2008 11:49:26 ·
Read More · 21 Reads
·
|
|
| Baasaboorka ama Visaha Nool ! |
Addis abbaba(SEN)--Akhristaw bal kafikir xoogaa dulucda mawducan ka hor inta aanad u gonda dagin nuxurka iyo ujeedada uu xanbaarsanyahay. inta aanan faaladayda u gonda adagin waxaan jeclaan lahaa in aan dib u holado cinwaanka mawduucani xanbaarasanayahay si aan u iftiimiyo waxa uu yahay 'VISAHA NOOLI'.
VISAHA NOOLI waa waa shakhsi(lab /dhadib), kaasoo haysta pasport sharci ah oo european ah ama american ah. erayagan waxaa isticmaala dhalinta aan iyagu dhoofin ee wadanka ku nool, balse dhoofku madax maray,isla markaana u araka wadada ugu fudud ee ay ku dhoofi karaan inay tahay iyaga oo kasbada qof ku nool dabada iyga oo umaraya dariiqada ah inay calaf raadis yihiin . |
abdi on July 04 2008 11:48:03 ·
Read More · 30 Reads
·
|
|
| Tacsi tiiraanyo leh |
Hargeysa(SEN)--Inaali laahi wa inaa ilaahi Raajicuun: Hadanu nahay Qoyska reer Cilmi Kaahin Qalinle oo kala ah C/raxmaan Cilmi Kaahin,Shiine Cilmi Kaahin iyo Ayaan Cilmi Kaahin dhamaantayo waxaanu Tacsi u diraynaa Eheliyadii uu ka geeriyooday Marxuum........... |
abdi on June 26 2008 02:02:08 ·
Read More · 49 Reads
·
|
|
| Gabadhii Ugu Horeysay Ee Somali Ah Oo Ku Gabayda Luuqada Ingiriisida Oo Xalay Gabayo Ku Soo Bandhigtay Magaalada Hargeysa |
 Hargeysa(SEN)--Xaflad bandhig faneeda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa Xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee Magaalada Hargeysa. Bandhig Faneedkan oo ay ka soo qeybgaleen Abwaano ay ka mid aahaayeen Abwaan Aadan Tarabi,Abwaan Axmed Awgeedi, Abwaan Cabdi Maxamed Aamiin iyo Aqoonyahano. Agaasimaha Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mr. Maxamed Axmed Maxamuud [Barawaani] oo halkaasi hadal soo dhaweyn iyo mahad celin ah ka soo jeediyey. “Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan marti sharafta ka soo qeybgashay Xafladan.....(Daawo Sawirada) |
deeqa on June 24 2008 16:14:09 ·
Read More · 139 Reads
·
|
|
| Ururka SOLJA oo Aqoon-is-weydaarsi u furay 20 Suxufi |
 Hargeysa(SEN)--Aqoon is weydaarsi ku saabsan doorka saxaafaddu ku leedahay habka iyo hanaanka diiwaangelinta iyo codbixinta doorashooyinka ayaa shalay 20 suxufi looga furay hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. (Daawo Sawirada) |
deeqa on June 24 2008 16:10:14 ·
Read More · 112 Reads
·
|
|
| KOOB LOOGU MAGACDARAY MUJAAHID AXMED GOLHAYE AYAA KA BILAABMAY ALLAYBADAY |
 Allaybaday(SEN)--Koobkan loogu magacdaray Mujaahid AXMED GOLHAYE (alle ha u naxariistee ) ayaa ah mid sanad walba xilgan oo kale looqabto kooxaha heerka labaad ee degmada Allaybaday, ayaa waxa uu sirasmiya uga bilaabmay magaalada Allaybaday, Mujaahid Axmed Golhaye waxa uu ka mid ahaa halyayadii usoo halgamay xoraynta dalkan JSL, islamarkaana u horay naftoodii qaaliga ahayd kuna waayay xorayntii dalka. Mujaahid Ahmed Golhaye, Mujaahid Maxamed Ali iyo Mujaahid Mahdi Ali waxa ahaa 3 nin ee aasaasay garabkii militarka ee SNM.....(Daawo Sawirada) |
deeqa on June 24 2008 16:06:43 ·
Read More · 43 Reads
·
|
|
| Arday ka qalin-jabisay Dugsiga Indhoolayaasha Hargeysa |
 Hargeysa(SEN)--Xaflad balaadhan oo loo sameeyey sanaddugsiyeedka 2007-2008 ee dugsiga dhegoolayaasha Hargeisa ayaa saaka lagu qabtay Xarunta Dugsigaas ee Magaalada Hargeysa. Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Cali Cabdi Odowaa,Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid C/naasir Yuusuf,masuuliyiin sare oo ka socotay Shirkada Telesom,waalidiin iyo Marti sharaf kale oo tiro badan. |
abdi on June 22 2008 15:54:26 ·
Read More · 54 Reads
·
|
|
| Hargeysa: Dufcaddii 11aad oo ka qalinjebisay Machadka AL-KHAYR |
 Hargeysa(SEN)--Xaflad loo sameeyay qalinjebinta ardaydan oo lagu qabtay hotelka Ambassador, waxa ka soo qayb galay madaxda Qaranka, qurbajooga Somaliland, Ardayda wax ka barata dalka dibadiisa qaarkood, waxgaradka, culimaa'udiinka iyo marti sharaf kale. Munaasibadan oo loo soo agaasimay qaab ka gedisan sida machadyada badankooda loo soo qabanqaabiyo, abbaaro 8:30 subaxnimo ayaa la bilaabay barnaamijka furitaanka taasina waxay fududaysay in madax badani helaan wakhti ku filan oo ay ku khudbadayn karaan. Ugu horeyn waxa xaflada furay Maamulaha Machadka AL-KHAYR,Cabdiraxmaan Ibraahim Ismaaciil (Dhoolayare)----(Daawo Sawirada) |
sucaad on June 21 2008 16:01:44 ·
Read More · 232 Reads
·
|
|
| Bahda Somaliland Education Network oo ku kulmay Hargeysa |
 Hargeysa(SEN)--Bahda Somaliland Education ayaa dhawaan kulan kooban ku yeeshay magaalada Hargeysa.Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay iskugu yimaadaan dhamaan maamulka iyo wariyayaasha shabakadu.Kulankaasi oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ugu horeyn halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shabakada Md.Mohamed Ali oo isagu ka waramay muhiimada uu leeyahay kulankani sidoo kale taariikhdii shabakada.....(Daawo Sawirada) |
sucaad on June 21 2008 15:53:03 ·
Read More · 271 Reads
·
|
|
| Madaxweyne Rayaale oo shahaado sharaf ka gudoomay Shabakada Somaliland Education |
Hargeysa(SEN)--Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin ayaa Shahaado sharaf ka gudoomay Shabakada Somaliland Education. Ugu horeyn waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyay Guddoomiyaha Shabakada Somaliland Education Network Md.Maxamed Ali Dhuux oo si dheer uuga waramay Taariikhda iyo hawlaha Shabakadooda.“Mudane Madaxweyne Maanta farxad ayay noo tahay inaanu kula kulano sidoo kale ku guddoonsiino shahaado sharaf ku wajahan hawlaha waxbarasho, Shabakadan oo la aasaasay June 2005 waxay gaadhay horumar balaadhan.(Daawo Sawirada) |
abdi on June 20 2008 14:44:32 ·
Read More · 728 Reads
·
|
|
| Imtaxaanaadka Shahaadiga Ee Fasalada 4 Iyo 8-Aad Ee Dugsiyada Sare/Dhexe Oo Dalka Ka Bilaabmaya 21 June |
Hargeysa– Wasiirka Waxbarashada Somaliland Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda bishuna ay tahay 21 June,2008 ay guud ahaan dalka Somaliland oo dhan ka bilaabmi doonaan Imtaxaanaadkii shahaadiga ahaa ee ardayda fasalada 8-aad iyo 4-aad ee dugsiyada dhexe iyo Sare ee sanad dugsiyeedka 2007- 2008 |
deeqa on June 18 2008 16:11:54 ·
Read More · 49 Reads
·
|
|
| NAGAAD oo Tababar u Xidhay Koox Suxufiyiin ah |
Hargeysa- Aqoonsiweydaarsi ku saabsan warbaahinta iyo xuquuqda haweenka Somaliland oo socday muddo shan maalmood ah, ayaa shalay loogu soo gebogabeeyey koox suxufiyiin ah oo tiradoodu ka badan tahay 40 xubnood xarunta dalladda haweenka Somaliland ee NAGAAD ee magaalada Hargeysa. Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay dalladda NAGAAD, waxa ujeedadiisu ahayd in warbaahintu kor u qaado ka hadlida tacadiyada lagula kaco haweenka iyo in kor loo qaado xidhiidhka ka dhexeeya warbaahinta iyo ururrada xuquuqda aadamaha u dooda. |
deeqa on June 18 2008 16:05:33 ·
Read More · 41 Reads
·
|
|
| Machad Barashada Caluumta Islaamiga ah oo Boorama laga Furay |
 Boorama- Machad lagu baran doono culuunta islaamiga ah iyo luqadda Carabiga oo muddo saddex sano ah lagu qaadan doono heerka diblomada ah ayaa shalay si rasmi ah looga furay magaalada Boorama. Machadkan oo loogu magac-daray magaalada qadiimiga ah ee Saylac oo leh taariikh iyo xadaarad fog, isla markaana ahayd goobihii ugu mihiimsanaa ee saldhigga u ahaa islaamka iyo fidinta dacwadda shareecada |
abdi on June 14 2008 16:20:53 ·
Read More · 74 Reads
·
|
|
| Gudomiyaha UHWA Malaysia Oo Qalab Ciyaareed Gudoonsiiyey Ciyartoyga Degmada Allaybaday (Daawo Sawirada) |
 Xaflad siweyn loosoo agaasimay ayuu Gudoomiyaha UHWA Malaysiya Mudane Axmed Ismaaciil Cabdi (xaaji) Ciyaartowga Allaybaday ku Gudoonsiiyay Shan dirays oo ah kuwa lagu ciyaaro kubada Cagta.Xafladaasi ayaa waxa kazoo qayb galay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan Cabdi Cali iyo xubno kale oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ciyaaraha Allaybaday.
|
ahmed on June 12 2008 14:07:57 ·
Read More · 160 Reads
·
|
|
| Mashruuca Guurka Wacan ee dhinaca Telefoonka |
Hargeysa(SEN)--Waxa Dhawaan laga bilaabay dalka Boqortooyadda Sucuudi Arabiya, Mashruuc loogu magac daray Guurka Wanaagsan, kaas oo loo adeegsanayo hanaan casri ah, oo labadda qof ee guur doonka ah lagu xidhiidhinayo, khad cusub oo si gaar ah loogu qoondeeyay dadka da'yarta ah ee guur doonka ah, talaabaddan cusub oo markii ugu horaysay dalkaas ka hirgashay bishii February ee sanadkan aynu ku jirno, ayaa loogu tala galay in dhalinyaradda guur doonka ah loo fududeeyo sidii ay u wada xidhiidhi lahaayeen, waxana sida uu sheegay Madaxa Mashruucan oo lagu magacaabo Xaasim Daxbuor ay dadkaas u diyaariyeen |
sucaad on June 10 2008 16:20:55 ·
Read More · 199 Reads
·
|
|
| Dhibaatooyinka Maskax iyo Jidheed Ee Adeegsiga Technology-yada Casriga ahi Dhalinyaradda Ku Keentay |
Hargeysa(SEN)--Horumarka farsamadda Technology-ga ah ee dunidu maalinba maalinta ka danbaysa ku sii tallaabsanayso, oo runtii wax badan u sahlay aadamiga isla markaana muftaax u noqotay in dhamaan dadyowga ku dhaqan caalamkani ogaadaan arrimo xilliyadda qaarkood ahaa khiyaal, ayaa haddana waxa taa ku lammaan oo garab socda dhibaatooyinka uu ku keenayo bulshooyinka caalamka iyo degaankaba. |
sucaad on June 10 2008 16:18:30 ·
Read More · 142 Reads
·
|
|
| Wiil Dhalinayara oo ku Anadacooday inuu Dadka Dhoofiyo Isagoo Kaashanaya Jin |
Hargeysa(SEN)--Cadceedii soo baxdaaba cibaaradeeda leh……..waxa suuro gala in qof kasta oo mawduucan akhriyaa, layaab ku noqon karto waxa ka jira qisadan run iyo been mida ay tahay.Mareegta wararka Ceegaag ayaa ku daabacday bogga ceegaag.com war sheegaya inuu jiro wiil dhalinyaro ah oo dadka u dhoofiya dalka dibadiisa isagoo kaashanaya Jin ruuxiya. Ninka arrintan ugubka ah sheegtay ayaa sida shabakadu tilmaantay degen magaalada Hargeysa, isla markaana haysta dad tiro badan oo aaminsan kuna raacsan hawshan dhoofinta |
sucaad on June 10 2008 16:14:23 ·
Read More · 228 Reads
·
|
|
|
Our Team
|
 Mohamed AliDirector
 Ahmed Isma'ilNews Editor
Abdi MohamedWebmaster
 Jamaal IbrahimReporter, Hargeisa
 Shiine Cilmi KaahinReporter, Hargeisa
 Hassan H. Abdillahi (Keef-keef) Reporter, Hargeisa
 Khalid Jama QodaxArticles, Hargeisa
 Ahmed M. MuuseReporter, Uganda
 Abdirazak MohamoudReporter, Nairobi
|
|
|